Search

Dood Ka Taagan La Dagaalanka Guurka Gabdhaha Da’da Yar Oo Hay’ado Maxali Ahi Mashaariic Ku Soo Qaateen

Hargeysa (Foore)- Iyada oo ay marka horeba shacabku farta ku godaan qaar ka mid ah mashaariicda Hay’adaha Maxaliga ahi dalka ka wadaan ee ay Mashaariicda ku soo qaataan ayaa haddana waxa arrinkaasi iyo doodahaasi laban laabmaan marka mid ka mid ah ama qaar ka mid ah mashaariicdaasi taabtaan ama faro galiyaan arrimo la xidhiidha dhinaca diinta iyo dhaqanka taasi oo keenta in shacabku su’aalo badan iska waydiiyaan shaki weyna sii galiyaan daacadnimada mashaariicda hay’adaha maxaliga ahi ka soo qaataan kuwa caalamiga ah.
Waxa hadaba maalmihii ugu dambeeyey dood xiiso lihi ka taagnayd bulshaduna hadal haysay mid ka mid ah mashaariicda hay’adaha Maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahi dalka ka wadaan oo ah wax loogu yeedhay Mashruuca wacyi-gelinta iyo ka hor tagga Guurka Gabdhaha Da’da yar waa waxa Afka qalaad loogu yaqaano “Early Marriage” oo ay gaaladu meel adag ka taagan yihiin dhaqan ahaana shucuubta Mulsimku argti kale ka qabaan.
Waa mid ka mid ah mashaariicda xaammiga ah ee Hay’aduhu lacagaha badan ku bixiyaan iyaga oo shucuubta islaamka ugu dhigaya in ay ilaalinayaan xuquuqda gabdhaha da’da yar balse doodo badani qabaan in ay tahay dacaayad islaamka loola badheedhay wakhti inta badan gaaladu marka ay arrinkan ka hadlayaan soo qaataan Da’dii Nabiyullaahi Muxammed uu ku guursaday Hooyadii Mu’miniinta Caa’isha Bintu Abaa Bakar oo ahayd Mid uu da’yaraan ku guursaday.
Sh. Axmed Maxamed Cali waxa uu ka mid yahay culimada deggan caasimadda Hargeysa oo arrinkan wargeyska Foore kala shaeekaystay ayaa yidhi: “Waxaanu leeyahay arrinta ku saabsan mashruuca hay’aduhu dalka ka wadaan ee guurka Gabdhaha da’ yaraanta lagu guursado ay wax kaga sheegayaan, waxaan leeyahay in xaaladdaasi tahay baroortu orgiga ka wayn haddii ay xuquuq haween ama mid gabdheed ilaalinayaanna waxa ay dhawri lahaayeen sharafkooda iyo cisigooda ee suuqda umay soo saareen xumaanta iyo sinadana may dhiirri geliyeen, waanan ku baaqayaa in Mashruucaasi gabi ahaanba dalka laga mamnuuco lagana joojiyo hay’adaha ku mashquulsan”.
Boodhadh xayaysiin ah oo loo sameeyey Mashruucan ayaa lagu sheegay in Guurka Degdegga ahi yahay gabood fal ama wax xad gudub ku ah shuruucda caalamka ee xuquuqal insaanka u yaalla. Qodobkaasi ayaa ah kan dhaliyey doodda adag ee arrinkan ka taagan isaga oo si cad uga hor imanaya qodobka 5aad ee Dastuurka qaranka Somaliland oo dhigaya in aan dalka laga hir gelin Karin wax ka hor imanaya shareecada islaamka maadaama guurka gabdhaha da’da yar islaamku banneeyey.
Aragtiyo kale ayaa dhaliilaya Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada oo ah hay’ad qaran taasi oo iyadu hawshan qayb ka ah oo hay’adahan la wadda halka ay sidoo kale meesha ka maqan tahay doorkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu oo arrinkan umadda u caddayn lahayd kana hadli lahayd. Arrinkaasi oo dooddiisu sii kululaanayso.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *