Search

Dood Ka Dhalatay Culimo Soomaaliyeed Oo Soo Ban Dhigay Halka Ay Salka Ku Hayso Abtirsiinta Saxda Ah Ee Sheekh Isaxaaq Iyo Sheekh Daarood!

Halkee Isugu Yimaaddaan Labada Awow Ee Daarood Iyo Isaxaaq?, Gudaha Ka Eeg Sheekh Faahfaahinaya In Ay Kasoo Wada Jeedaan Iyo Nuxurka Magaca Daarood

Minneapolis, Nov 30, 2017- (Foore)- Kadib Markii culimo Soomaaliyeed oo caan ahi dhawaan soo ban dhigeen Abtirsiin ay sheegeen in ay tahay abtirsiinta Rasmiga ah ee Sheekh Cabdiraxmaan Ismaaciil Jibirti oo ah aabbaha ay ka soo tafiirmeen Beelaha Daarood oo ay ku sheegeen in uu ku abtirsado oo abtirsiintiisu gasho qoyska Sayidunaa Cali Bin Abaa Daalib Ilaahay ha karaameeyo wajigiisee sidoo kalena ay sheegeen in Sheekh Isxaaq Bin Axmed laftiisu isna galo isla Cali Bin Abaa Daalib waxa laba kacleeyey dooddan oo muddo badan Bulshooyinka Soomaalida dhexdeeda caan ka ahayd oo mar walba la xidhiidha xaqiiqo ahaan halka ay ka soo jeedaan Awawyaasha Beelaha Soomaalida ahi gaar ahaan Beelaha Dir iyo Daarood.
Kulan dhawaan lagu soo ban dhigay Abtirsiinta rasmiga ah ee Daarood oo ka qabsoomay Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa waxa ay koox culimo ahi faahfaahin ka bixiyeen halka uu salka ku hayo Magaca Daarood, awawyaasha uu ku abtirsado iyo sidoo kale halka uu isna ku abtirsado Sheekh Isxaaq Bin Axmed oo isna ka mid aha awawyaasha ay ka soo farcantay Beesha reer Sheekh Isaxaaq.
Mid ka mid ah culimada caanka ah ee kulankaasi ka akhriyayay abtirsiinta Daarood ayaa waxa uu yidhi: “Waa Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Ismaaciil Ilaahay haka raalli noqdee, Ismaaciilkaasi waa abtirsiinta aabihii Sheekh Ismaaciil Jabarti Bin Sayid Ibraahiim, Abu Macruuf Bin Sayid Maxamed Bin Sayid Xambal, Bin Sayid Axmed, Bin Sayid Mahdi, Bin Sayid Cabdallah, Bin Sayid Caqiil, Bin Sayid Bin Cali Bin Abaa Daalib. Illaa reer Cabdimanaaf laga gaadhayo, sidaasi ayuu ku galaa Sheekh Ismaaciil Jabarti iyo Sheekh Daaroodba ay ku galaan Abtirsiinta Sayidunaa Caqiil Bin Abii Daalib. Caqiil waa mid ka mid ah wiilasha uu dhalay Sayidunaa Cali Bin Abaa Daalib”.
Sheekhan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Halka Sheekh Isxaaq uu kaga abtirsado Sayid Xuseen Bin Cali Bin Abaa Daalib Ilaahay Raalli Haka ahaadee. Xuseenna waa mid ka mid ah wiilashii uu dhalay Sayidunaa Cali Bin Abaa Daalib”
Intaa Kadib Sheekha oo ka hadlayay xaqiiqo ahaan sida uu isagu u dhigay halka uu ka soo jeedo magaca Daarood iyo sida uu ku baxay waxa uu yidhi: “Sheekhunaa Sheekh Cabdiraxmaan oo Sheekh Daarood loo yaqaano. Kelmaddaasi magaca Daarood waa kelmad Af-carabi ah. Waxa la arki jiray isaga oo dadkiisa dhex jooga oo Soomaaliya jooga ayaa haddana meelo badan lagu arki jiray. Markaasaa la odhan jiray waar waa sidee sheekhu miyuu duulay “Al-dayaar” oo ah kii duulayay, sidaa darteed kalmaddii Dayaar ayaa Cajami laga dhigay oo la jabiyey ayay ahayd oo Daarood la yidhi. Asalkeedu waa Daair oo ah kii duulayay. Isagaoo Jooga Sheekh Cabdiraxmaan oo loo yaqaanay Daarood deegaanka uu hadda ku aasan yahay oo ah deegaanka Haylaan la yidhaahdo oo ah deegaan Magaalada Hadaaftimo u dhaw oo ah deegaan qorrax ka soo bax kaga beegan Magaalada Ceerigaabo ayaa isaga oo halkaasi jooga yaa muddo kooban kadib lagu arki jiray isaga oo Maka Al Mukarrama iyo dhulkii Xaramka jooga. Isagoo sidoo kale Madiina jooga. Meelo badan baa lagu arki jiray. Sidaasaa daarood loo yidhi oo kelmadda Daara ayaa cajami loo baddalay oo noqotay kelmad asalkeedii ka leexatay. Waa Sheekh Cabdiraxmaan Al-dayaar” ayuu sheekhaasi hadalkiisa ku soo gunaanaday.
Markii haddaba xujada culimadan lagu baahiyey dhawaan baraha bulshada ayaa waxa arrinkan ka dhashay doodo xiiso leh oo mar kale laba kacleeyey iyada oo muddo badan ay soo taagnayd doodda ka taagan halka ay asal ahaan ka soo jeedaan awawyaasha ay ka soo farcameen qaar ka mid ah qabaa’ilada waaweyn ee Soomaalidu. Si kastaba ha ahaatee Akhriste haddii aad in uun arrinta mawduucaasi la xidhiidha wax ka qortay ama aad cilmi baadhis ka samaysay nagula wadaag ciwaannada wargeyska ku xusan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *