Search

Diyaarado Muqdisho Hub Uga Keenay Cali Khaliif Oo Ka Degay Garoonka Buuhoodle Iyo Ciidanka Qaranka Oo Heegan Culus Lagaliyay, Lana Socda Xaaladda Waftiga Xaglotoosiye

Buuhoodle (Foore) – Ugu yaraan laba Diyaaradood oo ay la socdeen qaar ka tirsan Masuuliyiintii hore ee Kooxda Nabadiidka ah ee Khaatumo ayaa shalay ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Buuhoodle,waxaana diyaaradahaasi markii ay soo fadhiisteen sida la sheegay laga dhaadhiciyay qalab culus oo saanad militari loo maleeyay kaasi oo gaadiid lagaga qaaday Garoonka dhexdiisa,lana geeyay goob loo sii diyaariyay oo ku dhex taala Magaalada Buuhooodle.
Sida ay noo soo wariyeen dad ku sugan Magaalada Buuhoodle labadan diyaaradood oo wakhiyo kala duwan soo cago dhigtay Garoonka Diyaaradaha Buuhoodle ayaa waxa ay mid ka mid ahi siday oo saarnaa Nin sheegan jiray inuu madaxweyne u ahaa kooxda Nabadiidka ah ee Khaatumo oo lagu magacaabo Indho Sheel iyo rag taageerayaashiisa ahaa oo ururkasi kula jiray kuwaasi oo ka soo duulay Xarunta Maamulka Soomaaliya ee Muqdisho. Labadan Diyaaradood ayaa waxa sidoo kale la socday masuuliyiin ka tirsan maamulka Muqdisho oo ka soo jeedaa Deegaanka Buuhoodle,waxaana la sheegay inay halkaasi u yimaadeen sidii ay u xoojin lahaayeen horjooga Cali Khaliif Galaydh oo Saddex Cisho ka hor deegaankaasi soo gaadhay kaasi oo ay Magaaladda Ku Cidhiidhyeen Waftiga Xukuumadda Somaliland u dirtay Buuhoodle oo uu hogaaminayo Wasiir Xaglotoosiye oo culays ku saaray Cali Khaliif inuu Buuhoodle iskaga Baxo isagoo Xaglotoosiye awood deegaan u tirsaday.
Warar Xalay naga soo gaadhay Magaalada Buuhoodle ayaa noo xaqiijiyay in Diyaaradahaasi laga rogay qalab culus oo dahaadh ku xidhnaa oo dadka laga qarinayay oo u sansaan ekaa hub kuwaasi oo gaadiid lagaga daad gureeyay Badhtamaha Garoonka,lana geeyay goobo ka tirsan Magaalada Buuhoodle oo loo sii diyaariyay oo ay ku sugnaayeen Ciidamo taabacsan Cali Khaliif Galaydh. Sida la sheegay waxa qalabkaasi iyo Masuuliyiinta la socdayba ay diyaaradahani ka soo qaadeen Magaalada Muqdisho oo xarun u ah maamulka Xasan Sheekh Maxamuud waxaana loo malanayaa in dhaq dhaqaaqan hadda Buuhoodle ka socda ay Xamar Lug ku leedahay,dabadana ka riixayso in Dagaal ka qarxo.
Xaalada Magaalada Buuhoodle ayaa Xalay aad u kacsanayd,kadib markii la dareemay hubka uga imanaya Magaalada Muqdisho waxaanay cabsi gaar ahi soo food saartay Waftigii Xaglotoosiye ee Halkaasi ku sugnaa. Dhinaca kale Ciidamada Qaranka Somaliland ee Jiida Buuhoodle ayaa heegan culus la galiyay waxanay si toos ah ula socdaan Dhaq dhaqaaqa Buuhoodle iyo Xaalada Waftiga Somaliland ee Ku dhex Sugan Buuhoodle.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *