BREAKING NEWS
Search

Diyaarad Walxo La Garan Waayey Iyo Shucaac Ku Daadiyay Deegaanka LAAYA Ee Degmadda Allaybaday.

“Wax Olol La Moodddo Ayay Dhulka Ku Sii Daayeen, Waxaana Halkii Saaka Loogu Tagay…..”

Laaya(Foore) – Dadka ku dhaqan Deegaanka Tuulada LAAYE ee Degmada Allaybaday ee Gobolka Gabiley ayaa ka hadlay diyaarado Habeen hore fiidnimadii dul maray Deegaankooda kuwaasi oo ay ku sheegeen inay ku siidaayeen shocaac olol oo kale ah,arintaasi oo cabsi xoogleh ku abuurtay dadka deegaankaasi ku dhaqan. Keyse Cali Dhamal oo ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Laaye ee dhacdadani ka dhacday ayaa wargeysa Foore Xalay uga waramay diyaaradahaasi argagaxa ku abuuray,waxaanu hadalkiisa ka mid ahaa“Habeen hore Sagaalkii iyo Badhkii fiidnimo ayay Saddex diyaaradood nasoo dul mareen oo ay wax ku rideen meel Tuulada Laaye u dhaw,waxa ay nagu rideen wax aad moodo Shocooc,halkii ay ku rideen ayaanu tagnay oo waxaanu ka helnay hadhaadha walax aanu isnidhi waxay ka hadhay walax Qaraxday,waxa ay waxaasi iskugu jireen biro iyo Caagag,waxaa ka urayay Baaruud iyo maar maar oo kale”. Waxa kale oo uu yidhi “Diyaaradahani waxay ku duulayeen joog aad u hooseeya,geedaha baarkooda ayay marayeen,runtii waanu ka argagaxnay oo xoolaha ayay naga didiyeen,wax laydh ah uma shidnayn oo mar qudha uunbuu guuxooga iyo muuqaalkoodu na soo galay,Saaka(Shalay) waxaanu u yeedhnay Maamulka Degmada Allaybaday,waxa noo yimid Taliyaha Saldhiga Allaybaday,waxaanu tusnay walxihii iyo qashinkii aadka u badnaa ee ka dhashay shocaacii ay diyaaradhaasi nagu daadiyeen,waxa uu u qaaday dhinaca Xarunta Degmada Allaybaday”. Keyse Cali Dhamal ayaa intaa ku daray inaanay markii u horaysay ahayn ee diyaarado walxo tuhun keenaya ku daadiyaan Deegaanka Laaye balse sanad ka hor ayay sidan oo kale diyaarado joog hoose ku duulayay wax aad moodo Xuub Caarro ku dul daadiyeen dhirta dusheeda . waxa uu ka dalbaday Xukuumadda Somaliland inay arintan u dambaysay xil iska saarto oo ay baadhis xoog leh ku samayso walxan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *