BREAKING NEWS
Search

Dib U Dhac Ku Yimid Ciyaarihii Gobolada Iyo Madaxtooyadda Oo Ka Biyo Diiday Lacag Xad Dhaaf Ah Oo Wasaaradda Ciyaaruhu U Soo Gudbisay

Agaasimihii W/Ciyaaraha Oo Safar Xajka Ugu Baxay Wakhti Hawli Isku Dhex Taalo Iyo Wasiirkii Oo Qancin Kari La’ Hawl Wadeenada Ciyaaraha Gobolada”
Hargeysa (Foore) – Gabi ahaanba waxaa laga shaki qabaa inaanay wakhtigii loo qorsheeyay qabsoomin Ciyaarihii Gobolada Somaliland ee Sanadlaha ahaa kadib Qorshe Xisaabeedkii ku baxayay Ciyaaraha ee Wasaaraddu Dejisay oo u Cuntami Waayay Madaxtooyada iyo Arimo kale oo la sheegay inay ka dhex taagan yihiin Wasaaradda Ciyaaraha kuwaasi oo muujinaya inaanay Ciyaaraha Goboladu ku Qabsoomi karin wakhtigii loogu talo galay inay Dalka ka dhacaan.
Sida Ilo wareedyo Arintan la xidhiidha oo soo Gaadhay Wargeyska Foore lanoogu sheegay,waxa gabi ahaanba dib u dhac weyni uu ku yimid Qabsoomida Ciyaarihii Gobolada Somaliland oo hore loogu sii qoondeeyay inay bishan badhtamaheeda ka bilaamaan Gobolada Awdal iyo Togdheer oo wareegga qaybtiisa hore lagu sii bilaabayay,halka Sideedda kooxood ee isku soo hadhana loogu talo galay in lagu soo wareejiyo Garoonka Hargeysa Statium. Sida dad u dhuun daloola Wasaaradda Ciyaaruhu noo xaqiijiyeen,waxa uu dib u dhacani yimid wakhti ay Kooxaha Gobolada Bariga Somaliland soo gaadheen Hargeysa si ay uga qayb qaataan Ciyaaraha arintaasi oo ceeb iyo fadeexad u soo jiidaysa Masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha.
Dib u dhacan ku yimid Qabsoomida Ciyaaraha Gobolada Somaliland ayaa sida lanoo xaqiijiyay lagu sabbabeeyay arimo la xidhiidha dhinaca Kharashka Wasaaraddu u qorshaysay inay ku qabanayso Ciyaaraha Gobolada oo aad u badan oo ay Madaxtooyaddu ka biyo diiday islamarkaana ay dib ugu celisay Wasaaradda ay dib u eegis ugu samaysay Macquulnimada Kharashkaasi, soona gudbiso Kharash ku munaasib ah oo la qaadan karo,waxaanay sida la sheegay Arintaasi Madaxtooyadda kaga timid Wasaaraddu shaki ku kala dhalisay Masuuliyiinta ugu sareeya Wasaaradda oo sida la sheegay markii horeba ku kala qaybsanaa Kharashkaasi. Wararkan ayaa sheegaya in Agaasimihii Wasaaradda Ciyaaruhu cadho uu ka qaaday Talaabada Kaga timid Madaxtooyadu uu u goostay Tigidh Xashka ah si uu uga muquurto Waji gabax Wasaaradda kaga yimid Madaxtooyada,halka Wasiirkiina uu qancin kari laayahay Koojajkii Kooxaha Gobolada ka Socda hogaaminaya.
Wararkan ayaa intaa ku daraya in Nidaam daro baahsan oo soo food saartay Qabsoomida Ciyaaraha Goboladda Somaliland doorkan iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha ayaa imika u muuqato in Ciyaaraha Goboladu Dalka ka qabsoomaan ugu horayn Ciida Carafo Kadib oo ay inaga xigto mudo aan bil ka yarayn,waxaanu dib u dhacaasi kadeed ku yahay oo hawsha ugu culusi ku dhacaysaa Kooxaha Gobolada Bariga Somaliland oo imika laba todobaad ka hor qaarkood Hargeysa ku sugan yihiin kuwaasi oo Haddii lakala diro ay adkaan doonto in dib la iskugu soo celiyo,islamarkaana ay Fadeexadaasi dhabarka u ridan doonto Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland oo iyadu iska leh masuuliyadda Ciyaaraha Dalka ka dhaca Maamulistooda,In badana ku fashilanta gudaha hawshaasi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *