BREAKING NEWS
Search

D/Hoose ee Hargeysa oo Lacag ugu deeqay 100 ka mid ah haweenka hilibleyaasha ah

Hargeysa (Foore) Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo ururka hiliblayaasha ee Nafaqo, ayaa markii ugu horraysay boqol haween ah oo ka mid ah dumarka ka ganacsada hilibka ugu deeqay lacag kaash ah, iyaga oo qof kiiba guddoon siiyay 500,000 (shan boqol oo kun) Somaliland shillings ah.

Guddoomiyaha ururka hiliblayaasha ee Nafaqo Mr. Maxamuud Xasan Cali oo xaflada haweenka lagu guddoon siinaayey lacagta ka hadlay, ayaa aad ugu mahadceliyey dawladda hoose deeqdan

“Waa Ilaahay mahadii in markii ugu horraysay aynu isugu nimaadno gacan qabashada hiliblayaasha inta jilicsan ee danyarta ah, waanannu kula shaqaynayna dawladda hoose sida wanaagsan ee ay u soo qabanqaabisa,.”ayuu yidhi Maxamuud Xasan Cali.

Maayirka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inay caawiyaan hiliblayaasha, isla markaana ku ammaanay guddida ururka Nafaqo inay hawshan dedaal dheer u galeen.

“Waxaan ku faraxsan nahay inaannu maanta boqol ka mid ah hiliblayaasha intii nasiibka u yeelatay wax ku celino. Sharaf bay noo tahay inaannu dadkayaga dan yarta ah gacansiino, xogogaalna u noqono, anigu waxaan is leeyahay qoys hilible ah baad ku soo kortoo waad u roon tahay
Eng Xuseen Maxamuud Jiciir wuxuu sheegay inuu isagu keenay hindisahan waxaanu yidhi “Aniga keenay qorshahan oo ku baraarujiyey guddiga Nafaqo oo ku idhi waar hiliblayaasha mushkiladoodu way badan tahay oo siday kolba in yar u amaahanayaan waxba ma hayaan, waanay dedaalayaan ee waa in wax lagu celiyaa sannadkii. Guddida iminka idinla shaqaysaa waa guddi aad iyo aad u dedaasha, waanay nagu baraarujiyeen, iyaga oo culays ku saaraayey oo dabada ka riixaayey.”

“Dawladda hoose iyo hiliblayaashu sannadadadii hore waataynu is eryan jirnay ee colka ahayn, iminkana dadka ugu saaxiibsan baynu nahay oo bolshada kuwaan isugu dhaw nahay ayaad tihiin, taasina waa aqoontaynu isu yeelanay,” ayuu yidhi Eng. Jiciir

Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, waxa kale oo uu sheegay inay dib u habayn weyn ku sameeyeen kawaanadii xoolaha lagu qali jiray, korna u qaadeen adeegyadisii, isaga oo xusay in arrintaasi dhalisay in xidhiidh fiican dhex maro ganacsatada hiliblayaasha iyo dawladda hoose, waxaannu ku boorriyey ganacsatada hiliblayaasha inay cashuurta si fiican u soo xareeyaan, qaatana liisanka dawladda hoose ee shaqada, isaga oo u ballanqaaday in hiliblayaasha inta cashuurta bixisa ee liisanka qaadata ay xaaladooda la socon doonaan oo cidii liidata caawin doonaan.

Eng. Jiciir, waxa uu sheegay inay lacagtan iska kaashadeen ururka hiliblayaasha Nafaqo oo uu tilmaamay inay inta ugu badan bixisay.Intaa kadibna, waxay halkaas ku guddoonsiiyeen lacag xaddigeedu dhan yahay 5 milyan oo Somaliland shillings ah.
Xubno ka mid ah Haweenkii lacagtan loogu deeqay ayaa duqa caasimada ku ammaanay dedaalka uu sameeyay waxaanay sheegeen inay lacagtani ay ka dabooli doonto qeybo ka mid ah baahidooda kala duwan ee ka ganacsiga hilibka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *