BREAKING NEWS
Search

Dhiriqda Maraykanku Dhex Galay, Waxba Kama Dhicin Karto Somaliland Dadweynaha Somaliland Sidee Ayay Uga Dareen Celiyeen Aqoonsiga Maraykanka Ee Soomaaliya?

Dawladda Maraykanku waxay mar kale labaatan sanadood ku dhowaad ka dib ay dhex butuluqsatay dhiriqda Soomaaliya, waxaanay aqoonsi dublamaasiyadeed u fidisay todobaadkii tagay dawladda Fadaraalka Soomaaliya oo aan wali la saadaalin Karin siday uga dabaalan karto caqabadaha buuraha ka waaweyn ee horyaalla, Iyadoo aan wali xaqiijin inay si buuxda ula wareegtay Koonfurta Soomaaliya. Tallaabadan maraykani qaaday waxay u dhowdahay inay sida xunbadda oo kale u gudho maalmo ama billo kooban ka dib markay dawladda Muqdisho ka dhabayn kari waydo himilooyinka Maraynku ka leeyahay dawladdan aan ku iman codka dadweynaha Soomaaliya isla markaana aan dastuurka ay ku shaqaynayso ku meel-marin afti dadweyne, sidii ay samaysay Jamhuuriyadda Somaliland 31-kii bishii May 2001-dii. Xiligaasi oo shacbiga Somaliland ay afti qaran oo laga qabtay dalka oo dhan 97% ay ku muujiyeen dastuurkooda oo qodobadiisa ugu horeeya ay jidaynayaan inay Somaliland madax-banaanideedii kala soo noqotay Soomaaliya. Maalmihii la soo dhaafay waxa Rayul caamka bulshaddu ay goobaha bar kulanka bulshadda ku faaqidayeen nuxuriyadda aqoonsiga dublamaasiyadeed ee Maraykanku siisay Soomaaliya saamayn intee leeg ayuu ku yeelan karaa Somaliland? Iyo sheekooyin kale oo ku taxan qodobkan. Waxay dadweynaha intooda badani ay qabeen in aqoonsiga Maraykanka ee Soomaaliya aanu ku iman daraasad iyo taxliil qoto-dheer, hase yeeshee uu noqday falaadh filanwaa ku noqotay madaqadda. Waxase ay aaraa’da bulshaddu aaminsanaayeen in dhawaaqaasi aanu wax saamayn ah ku lahayn Somaliland, oo iyadu u xusul duuban inay ka libkeento dedaalkii ay gelisay aqoonsi raadinta. Waxaanay ku doodayeen in wada hadaladda aan wali la mudayn ee ay yeelan doonaan Somaliland iyo Soomaaliya ay xukuumadda Somaliland miiska wada hadalka soo dhigi doonto iraadada dadweynaha iyo muqadasnimadda qaranimadda Somaliland. Dadka qaadaa-dhigayay mawduucani waxay ku doodayeen in dhawaaqa Maraykanku uu sabab u noqon doono in wada hadalka Ingiriisku gogoshiisa dhigay ee Somaliland iyo Somalia uu burburi doono marka labada dhinac la kala shir yimaadaan laba mowqif oo aan sina isu qaban Karin. Dad badan ayaa doodooda daliil uga dhigayay in aqoonsiga maraykanka ee Soomaaliya uu noqon doono mid aan wakhti badan sii jiri doonin marka laga qiyaas qaato qodaxda taalla Soomaaliyadda degi wayday ee furinta u noqotay Argagixisadda iyo budhcad-badeedda caalamiga ah.
Waxa jiray dad ku baaqay in sidii dhaqanka guunka ah u ahayd Somaliland ay shacbi iyo dawladba iska kaashadaan sidii ay gaws dambeedka u dhigan lahaayeen, una difaaci lahaayeen qaranimadooda cadowga badan leh. Waxaanay xusayeen in aqoonsiga maraykanku uu xadka ka sii saari doono santaaga dawladda Soomaaliya ee aan ku iman dariiqooyinka qurxiya dimuqraadiyadda iyo dawlad wanaagga oo ah in dadku ay codkooda ku doortaan Hoggaamiyeyaashoodda. Waxa kale oo jiray dad aaminsan in dawladda Maraykanku ka shalaayi doonto tallaabadan oo aan sixitaan u noqon Karin laab-lakicii iyo fudaydkii Maraykanku ku galay Soomaaliya sanadkii 1993-kii ee lagaga dilay 18 askari oo Maraykan ah. Si kastaba arrintu ha noqotee Somaliland qaranimadeedu waa mid muqadas ah oo ummaddani way ku dhimanayso illaa qofka ugu dambeeya, waxaanay labaatankii sanadood ee la soo dhaafay ay jiritaankeedu ku taagnaa kalsoonida dadkeedu ku qabaan qaranimadooda, taasi oo ah hibo aan daqiiqad qudha duugoobaynin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *