BREAKING NEWS
Search

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Dagaal Mar Kale Ka Qarxay Duleedka Degmada Xarshin Ee Kililka Shanaad Ee Somalida Itoobiya

Xarshin (Foore)- Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen dagaal maanta mar kale ka qarxay deegaankii dhawaan ciidamada Liyuu boolisku dadka ku xasuuqeen.
Dagaalkan ayaa la sheegay inuu deegaanka Araarso oo ka mid ah deegaanada hoos tagga degmada Harshin uu ku dhex maray dad xoolo dhaqato ah oo halkaasi wada degga isla-markaana ka soo kala jeeda beesha Ogaadeen iyo beeshii hore dagaalku u dhex maray Liyuu boolisku, waxaana dagaalkaasi ku dhintay hal qof oo dhanka dadka deegaanka Harshimeed ah, laba kalena way ku dhaawacmeen ilaa hadda inta la ogyahay.
Dagaalkan oo aan la ogeyn dhab ahaan waxa sababay ayaa wararka hordhaca ahi sheegayaan inuu bilaabmay ka dib markii rag sahan ah oo deegaanka Harshin ah ay si gaadmo ah uga dileen rag kale oo ka soo jeeda dhanka kale, taasi oo sababtay in dagaal laba geesood ahi bilaabmo.
Wararka halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in laga cabsi qabbo in dagaalka maanta dhacay sii balaadho isla-markaana halkaasi uu ka bilaabmo dagaal culus oo khasaare badani ka dhasho, iyadda oo lagu soo waramayo in deegaanka laga dareemayo diyaar-garow xoogan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *