Search

Dheefta Iyo Dhibta Wax Akhriska

Qalinka: Cali Cabdi Coomay …. Q:2aad

Wax akhrisku wuxuu qofka u saamaxaa in uu ka fikiro qorshihiisa, hamiyiisa dhaw iyo ka fog, sidoo kale wuxuu qofka u horseedaa in uu siyaabo kala duwan ugu baaraandego mushkiladaha soo foodsaara. Sababta ayaa ah maskaxdii oo balaadhatay, ka dibna dhinacyo badan ayey wax ka eegaysaa. Wuxuu sidoo kale dhisaa wax akhrisku luuqada iyo erayda qofku ku hadlayo. Angel Carter ayaa tidhi” I found the more I read, the better I write”, oo noqnaysa inta badan ee aan akhriyo, waxa ay iga dhigtaa in aan si fiican wax u qoro. Xigmadan soo socota ee ay leeyihiin dadka reer Belgium (Biljim) ayaa markhaati cad inooga dhigaysa hadalkaasi xaga sare ku qoran” Reading increases the level of personal understandings”, oo ay uga jeedaan wax akrhrisku wuxuu kordhiyaa heerka fahanka shakhsiga. Xigmadaasi waxa aynu ka qaadanaynaa in akhrisku kobciyo maanka akhristaha.
Sidii aynu hore ugu soo sheeganay qaybtii hore Ilaahay”swc” markii uu Nebe Maxamed”scw” faray wax akhriska oo lagu soo dejiyey suuradii ugu horaysay ee IQRA, Ilaahay “swc” wuxuu sidoo kale ummaddiisa ugu mano sheeganayaa oo yidhi” Insaanka waxa aanu barnay wax aanu aqoon u lahayn”. Qoraalkii ugu kharyka badnaa wuxuu ahaa qoraalkii Qur’aanka Kariimka ah, waxa aana la qoray wakhtigii Cismaan Binu Caffaan. Sidoo kale wax akhrisku ugu khayrka badani waa Kitaabka Alle. Culimada islaamka intooda badani waa qaar taariikh weyn ku leh qoraalka iyo wax akhriska. Culimadaasi waxa aan ka xusi karnaa, Ibnu, Xajar Al casqalaani, Ibnu Taymiya, Ibnu Qayim Al jawzi, Imaamu Nawawi, Sh. Albaani iyo Sh. Naasir sacadi. Dhammaantood xaga qoraalka iyo wax akhriska waxa ay ka ahaayeen horumood.
Wax akhrisku waa hab-dhaqan wanaagsan oo wakhti lagu lumiyo, waxaana lagaga dhuuntaa balwadaha, makhaayad iska fadhiga iyo meeraysiga bilaa macnaha ah. Markaa uu qofku bilaabayo inuu wax akhrisk dhaqan ka dhigto, marka hore way ku adkaanaysaa, balse waa inuu naftiisa baro samirka iyo dul-qaadka uu wax akhrisku u baahan yahay. Sidaa darted ayey reer Filibiin ku maahmaahaan” Reading is the best of wasting time”, oo micnaheedu tahay wax akhrisku waa shaygu ugu fiican ee wakhti lagu lumin karo. Maahmaahdaasina waxa aan ka faa’idaynaa in wakhti firaaqada lagu lumiyo wax akhris
Wax akhrisku wuxuu kor u qaadaa meeqaamka uu qofku bulshadiisa ku dhex-leeyahay, waayo qofku wuxuu bulshadiisa la wadaagaa waa wixii uu ka helay Buugtii uu soo akhristay. Aqoonta inteeda badani waxa ay ku keydsan tahay Buugta kal duwan. Markaa inta suurtagal ah qof kastaa ha isku dayo inuu Buug la macaamilo. Dadka shiinuhu waxa ay yidhaahdaan” Abook holds a house of gold”, oo ay uga jeedaan Buugu wuxuu sidaa guri dahad ah.
Wax akhriska badani qofka wuxuu ka dhigaa cilmi-baadhe(Reseacher), waxa aanu qofku ka helayaa cilmigii ka dhinaa oo aanu hore u aqoon. Maan haddii aad doonayso inaad baadho Sooyaalka Soomaalilaand waa inaad marka hore soo urursato inta buug ee laga qoray Taariikhda Soomaalilaand, markaad akhridana waxa kuu soo baxaya taariikhdii dhabta ahayd ee Soomaalilaand lahayd. Sidaa darteed aqoonyahanadu waxa ay cilm-baadhista ku saleeyaan kolba inta buug ee arrin ay rabaan ka hadalaysa inay soo akhriyaan si ay daliil ugu noqoto. Shiinaha ayaa ku maahmaaha” Scholars talk Books Butchers talk cows”, oo micnaheedu yahay aqoonyahanadu waxa ay la sheekaysaan Buugta, halka hiliblayaashuna ay la sheekaysaan lo’da ay qalayaan. Maahmaahdaasi waxa aynu ka qaadanaynaa in aqoonyahanka iyo buugta aqoontu ku duugan tahay aan la kala waayin.
Wax akhrisku wuxuu qofka ka dhigaa run-sheege, mar kasta oo aad wax akhridid waxa aad helaysaa xaqiiqada biyo-kama-dhibcaanka ah ee shayga laga hadlayo markaa. Ka dib waxa aad shanta farood ku fiiqaysaa halkay runtu taalo. Sidaasi oo kale ayey shacabka reer Holan leeyihiin xigamadan” Reality comes after Reading” oo micnaheedu tahay xaqiiqadu waxa ay timaadaa wax akhris ka dib.
Wax akhrisku wuxuu qofka ka caawiyaa anshaxa wanaagsan iyo inuu si ilbaxnimo ku jirto u dhaqmo. Waayo wax akhrisku wuxuu ku barayaa dad aanad la dhaqmin oo meelo kala duwan adduunka jooga, ka dib waxa aad helaysaa il-dheeri iyo ilbaxnimo baaxad weyn leh. Taasina waxa kuu soo kordhinaysaa anshax wanaag iyo dad la dhaqan heer sare ah. Xigmad laatiin ah ayaa ahayd” Reader without ethics is like fish without gills”, oo noqonaysa akhriste aan shaxa lahayni waa kalluun bilaa neef-mareen ah. …. La Soco




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *