Search

Dhaqdhaqaaqa Isbadel Ee Gudd. Maxkamada Sare Wado Iyo Cabsida Soo Food Saartay Gudoomiyayaasha Maxkamadaha Ku Raagay

“Isku Shaandhayn La Filayo In Uu Ku Dhaqaaqo Oo Dhinaca Garsoorka Ah Iyo Dadweynaha Oo Isha Ku Haya Caddaalad”.

Hargeysa (Foore) – Gudoomiyaha Maxkamada Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa ku mashquulsan Talaabooyin hor leh oo uu wax kaga badelayo Garsoorayaasha iyo Gudoomiyayaasha Maxkamadaha Dalka,waxaana arintaasi cabsi horleh ku abuurtay Gudoomiyayaasha Maxkamadaha kala duwan kuwaasi sida la sheegay wadnaha farta ku haya sugina kari la’ hanaanka iyo nooca ay talaabooyinkaasi noqon doonaan.
Sida ilo wareedyo garsoorka u dhuun daloolaa ay Wargeysa Foore u Xaqiijiyeen,Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland ee dhawaan la soo magacaabay Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa dhawaan laga filayaa inuu isku shaandhayn,isku badelid iyo eryid uu ku sameeyo dhamaan garsoorayaasha iyo gudoomiyayaasha ka hawlgala maxkamada Dalka,waxaana arintaasi si weyn looga dareemayaa Gudoomiyayaasha Maxkamadaha heer gobol iyo Heer Degmo ee dalka oo guclo ugu jira sidii ay iskaga bad baadin lahaayeen ama looga reebi lahaa dadka ay seefta Gudoomiyuhu la tagayso si ay kursiga ugu sii nagaadaan. Masuuliyiinta Maxkamadaha ee Kuraasta culus ku fadhiya ayaa qaar waxay maalmihii u dambeeyay ku mashquulsanaayeen oo ay afka uga galiyeen Gudoomiyaha Maxkamada Sare Salaadiin iyo Dad kale oo waji ku leh dalka si ay uga bad baadaan isbadelka Gudoomiyuhu soo wado.
Sidoo kale,Gudoomiyaha Maxkamada Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa tan iyo maalintii la magacaabay waxa uu wadaa xog ururin iyo qiimayn uu ku samaynayo Garsoorayaasha iyo hawlwadeenada ka hawlgala Maxkamadaha dalka,isagoo sidoo kalena kala hufid iyo baadhis qoto dheer ku haya kiisaskii kala duwanaa ee hortii la camaaluqay. Waxa uu galin hore iyo galin dambe joogaa oo laga helaa Xafiiskiisa uu ku leeyahay Xarunta Maxkamada Sare ee Hargeysa.
Shacabka Somaliland ayaa si weyn isha ugu haya talaabooyinka laga sugayo inuu Gudoomiyaha Maxkamada Sare Wax kaga badelo garsoorka oo labadii sano ee u dambeeyay si weyn looga cabanayay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *