Search

Dhaqanka Isu-Tanaasulka Iyo Xigmadihii Laga Reebay Musharaxiintii Ku Guul-darraystay Doorashooyinkii Somaliland Soo Maray 1990 Illaa 2017

Warbixin Qoraaga Cali Cabdi Coomay Ku Eegayo Doorashooyinkii Dalka Soo Maray, Isu-tanaasulkii Iyo Weedhihii Taariikhda Somaliland Galay

Hargeysa, November 23, 2017- (Foore)- Soomaalilaan waxa ay dhaqan soo jireena u lahayd isu-tanaasulka iyo wax-hambaynta, halkan waxa aynu ku soo koobi doonaa 6 doorasho madaxweynimo oo taariikha ahaan soo maray Soomaalilaan iyo hadalladii xigmadeysnaa ee laga reebay musharaxiintii danta shacabka u tanaasushay. Madaxweyne C/raxmaan Axmed Cali AHN, waxa laga reebay xigmadan” SNM xilkii way idinku wareejisay, markay dalkii xoraysay, Jabhad xilka wareejisa lama arag 1993”. Madaxweyne Axmed Maxmed Siilaanyo waxa laga reebay xigmdan” Kursi uu dhiig ku daatay ku fadhiisan maayo 2003”. Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin waxa laga reebay xigmadan” Wixii aan gacantayda ku dhisay, gacantayda ku burburi maayo 2010’. Musharax C/raxmaan Cirro waxa laga reebay xigmadan” Dalkayga damacayga u burburin maayo dadkaygana dhiigiisa u daadin maayo 2017”.
Milicsiga Doorashooyinkii madaxtinimo ee Soomaalilaan
Doorashadii Guddoomiyaha SNM ee Baligubadle 1990
Musharrixiinta kursigan ku tartamayey waxay kale ahaayeen:-
1) Eng. Maxamed Xaashi Cilmi
2) Xasan Ciise Jaamac
3) C/raxmaan Axmed Cali “Tuur”
4) Prof. Ibraahim Meygaag Samater
Aakhirkii waxa isugu soo hadhay saddexdan musharax oo kala helay cododkan:
C/raxmaan Axmed Cali = 145 Cod
Maxamed Xaashi Cilmi =140 Cod
Waxa ka Aamusay = 5 Cod
Shirkaasi wuxuu dhammaaday 28 bishii maarij 1990-kii. Halkaasi ayuu Cabdiraxmaan Axmed Cali ku noqday guddoomiyihii shanaad ee SNM soo mara, sidoo kale markii dambena ku noqday Madaxweynihii Soomaalilaan ee koowaad.
Doorashadii Madaxtooyada ee Shirkii Boorama 1993
Musharixiinta shirkii Boorama
Jagada madaxweynaha waxa u sharraxnaa Afar Nin oo kala ahaa :-
1. Maxamed Xaaji Ibraaahim Cigaal
2. Cumar Carte Qaalib
3. C/raxmaan Axmed Cali “Tuur”
4. Axmed Maxamed Halac.
Afartan musharax waxa laga doortay Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo helay 99 cod, halka saddexda musharax ee kale ay madasha ka baxeen, iyaga oo saluugsan qaabka musharaxiinta aan loo siinin in ay hadlaan oo ay soo bandhigaan Barnaamijkooda siyaasadeed, xogntan waxa I siiyey Qoraa Cali Qoryooley oo madasha shirka fadhiyey, mar aan waraysi ka qaadayey sannadkii 2014-kii. Dhinaca madaxweyne ku xigeenka waxa u sharaxnaa Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax, oo isaga aanay cidna la tartamayn, waxa aanu helay 102 cod. Sida uu ii sheegay mar aan waraystay dabayaaqadii sannadkii 2015-kii.
Dhinaca kale waxa shirka ka dareeray 29 xubnood, ka hor intaan codayntu dhicin, sida uu ii sheegay Cabdilaahi Dheere oo ahaa xoghayntii shirka Boorama, Markii dambe ayaa Cabdiraxmaan Axmed Cali la soo maslaxay oo lagu qanciyey in uu aqbalo doorashada Madaxweyne Cigaal, sidoo kalena ku wareejiyo xilkii madaxweynimo, waanu tanaasulay isaga oo eegaya danta shacabka Soomaalilaan. Sidaasi ayey ku dhamaatay doorashadii shirkii madaxweynimo ee shirkii Boorama.
Doorashadii Madaxtooyada ee Shirkii Hargaysa 1997
Shirkani wuxuu ka furmay Hargaysa bishii Novembar ee sannadkii 1996-kii gaar ahaan Hoolka Guriga shaqaalaha ee badhtamaha magaalada Hargaysa. Shirka waxa guddoominaayey Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo Golaha Guurtida lagu soo daray iyo Suldaan C/raxmaan Sheekh Muxumed. Dhinacooda dambana waxa soo fadhiyey madax-dhaqameedkii Beelaha Somaaalilaan, Qaar ka mid amma intoodii badnayd.
Waxa ka dhexmuuqday Suldaan Ciise Suldaan Xirsi Qani, Suldaan Maxamed Suldaan C/qadir, Garaad C/qani Garaad Jaamac, Garaad Ismaaciil Cali iyo Suldaan Maxamed Suldaan Faarax. Shirka waxa ka soo qaybgalay 316 ergay iyo 100 xubnood oo goobjoogayaal ah. Beel kastaa waxa loo libinlaabay saamigii ay ku lahaayeen shirkii Boorama iyo 16 xubnood oo la siiyey carabta iyo Gabooyaha.
Waxa u tartamay madaxweynaha dad farabadan balse waxa akhirkii isugu soo hadhay saddex masuul oo kala ahaa:
Maxamed X. Ibraahim Cigaal
Saleeban Maxamud Adan
Maxamed Xaashi Cilmi
Waxaana ku guulaystay Maxamed X. Ibraahim Cigaal ku xigeena waxa noqday Daahir Rayaale Kaahin. Sidaasi ayey isugu hambalyeeyeen musharaxiintii.
Doorashadii Madaxtooyada ee 2003
Horraantii bishii Abriil ee sannadkii 2003-dii waxa Soomaalilaan ka qabsoontay doorashadii madaxtooyada. Doorashadan waxa lagu dooranayey madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen. Waxaana ku tartamayey saddexda xisbi qaran ee kala ah, KULMIYE, UCID IYO UDUB. Mid kasta waxa u shararxnaa laba qof oo kala doonayey madaxweyne iyo ku-xigeen.
Dhinaca Kulmiye waxa ka sharraxnaa Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo“ iyo C/raxmaan Aw-Cali Faarax oo ku xigeen u sharraxnaa .
UDUB waxa u sharraxnaa Daahir Rayale Kaahin iyo ku xigeen oo uu u sharraxnaa Axmed Yuusuf Kaahin .
UCID waxa u sharraxnaa Faysal Cali-Waraabe iyo ku-xigeen Axmed Cabdi Siciid.
Aakhirkii waxa ay Guddiga doorashooyinku ku dhawaaqeen natiijadii doorashada waxaana ku guulastay xisbigii UDUB, oo ka guulaystay saddexdii xisbi ee kale. Xisbigii UDUB wuxuu 80 cod kaga adkaaday xisbigii Kulmiye, balse bilowgii hore waxa natiijada ku gacan-saydhay xisbiga kulmiye, kuna tilaamay in lagaga shubtay cododkii. Halkaasina waxa ka dhashay khilaaf iyo is-fahan la’aan. Aakhrikii maxkamada sare ayaa mar kale caddaysay inuu xisbigii UDUB ku guulaysay doorashada, sidaasi waxa ku tanaasulay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxaana laga hayey hadal xigmadeysan oo ahaa “Kursi uu dhiig ku daatay ku fadhiisan maayo”
Doorashadii Madaxtinimo ee 2010
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada, Ciise Yusuf Maxamed, ayaa ku dhawaaqay munaasabad ka dhacday Maansoor, in Axmed Maxamed Silaanyo, uu ku guuleystay doorashada Madaxtinnimada Somaliland.
-Xisbiga KULMIYE wuxuu helay 266,906 cod oo u dhiganta 49.50% dadka codka bixiyay.
-UDUB wuxuu helay 178,881 cod oo u dhiganta 33.23% inta codka dhiibatay.
-Xisbiga UCID wuxuu helay 29,459 cod oo u dhiganta 17.18%.
Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, hadal uu maantaasi siiyey BBC-da laanta afsoomaaliga intii aan natiijada lagu dhawaaqin wuxuu ku sheegay in uu aqbalayo natiijadu wax kasta oo ay noqoto. Sidii ayuu ku aqbalay doorashadii, isaga oo weliba raaciyey hadal xigmadaysan oo u dhignaa sidan “Wixii aan gacantayda ku dhisay gacantayda ku burburi maayo”
Doorashadii Madaxtinimo ee 2017
Xisbiyadu waxa ay u kala heleen natiijadii doorashada sidan:
-Ucid:………….23,141……4.1%
-Kulmiye:……..305,909….55.19%
-Waddani:……..226,092…40.73%
Markii ay guddiga doorashooyinku ku dhawaaqeen ayey madaxdii xisbiga Waddani shir galeen, dabadeed waxa warfidiyeennada la hadlay musharax C/raxmaan Cirro u tanaasulay shacabka Soomaalilaan waxaanu yidhi hadala xigmadeysan oo u dhignaa sidan:” Dalkayga damacayga u burburin maayo dadkaygana dhiigiisa u daadin maayo 2017”.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@hotmail.com
Tixraac:
Go’aan Iyo Geesinnimo (2016)……..Cali Cabdi Coomay




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *