BREAKING NEWS
Search

Dhallinyaro Olole Iskaa Wax U Qabso Ah Ku Qaaday Hagaajinta Bilicda Caasimada Iyo Qurxuntoodii Taallooyinka

Hargeysa, April 14, 2018- (Foore)- Koox dhalinayaro ah oo rag iyo dumar iskugu jirta oo ku bahoobay Urur NGO la Magac baxay Hargeisa Youth Volunteers ayaa magaalada Hargeysa ka bilaabay olole mutadawacnimo ah oo ay wax kaga hagaajinayaan Bilicda Caasimada Hargeysa,waxaanay kooxdaasi dhalinyarada ahi shalay nashqadeeyeen kaaraha taalada ah ee Huteel Baar Hargeysa ku dhaw iyo goobo badan oo duugoobay oo aan muddo sannado ah waxba laga qaban.
Dr Yaxye Cabdikariin Cali oo ah Gudoomiyaha Ururkaasi mutadawaciinta ah oo shalay Wariye Wargeyska Foore ka tirsani kula kulmay badhtamaha Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu si kooban u qeexay hawlgal ay shalay gacanta ku hayeen waxaana uu yidhi “Barbaarta ururka Hargeisa Youth Volunteers, Diranayaasha aan la diran ee iyagu is diray waxa ay Olole Nadaafadeed Iyo Mid iskaa wax u qabso ah ka fuliyeen Kaaraha caasimada. Waxa aanu gudanay kaalintii nagala ssugayay in aanu qabano, hadii aanan manta waxba qabanayn oo aanu iska fadhiyi lahayn cidna waxba may inoo qabateen, dhalinyaraduna waa mashiinka lagu shaqeeyo, hadba inta ay leeg yihiiin iyo sida looga faa’iidaysto ayay ku xidhan tahay”.ayuu yidhi
Waxa uu yidhi isagoo shaqadooda mutadawacnimada ah ee ay shalay fuliyeen Wargeyska Foore uga waramaya “Maanta haddii aad waxba qaban waydo, berri waxba ma qaban doontid, waa xaqiiq xoogaaga qayb kamida uga faa’iidee deegaanka aad ku nooshahay. Hadba meesha aad ku nooshahay waxa ay kugu leedahay saamayn mid wanaagsan ama mid xun hadii aad adigu wanaagsan tahay laakiin baradii aad ku noolayd uu tahay mid ay indhuhu ka didayaan oo aan laba sii karayn in markasta la eego waxa ay kugu tahay bar madow ilaa iyo itna aad bartaa madow iska biinaysid, laakiin haduu yahay deegaankaagu mid qurux badan ooo markasta la jecel yahay in lagu nagaado oo la jeclayso ku noolaanshihiisa inagaa awood u leh in aynu ka dhigano”. Sidaasi ayuu Gudoomiye Yaxye ku soo koobay Hadalkiisa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *