BREAKING NEWS
Search

Dhallinyaro Iyo Aqoonyahan Kasoo Jeeda Bariga Burco Oo Kulan Ballaadhan Taageeradooda Ugu Muujiyey Hogaamiyaha Cusub Ee Xisbiga WADDANI

Dhallinyaradan Oo Iskood Isu Soo Abaabulay Ayaa Taageero Mug Leg La Barbar Joogsaday Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan Iyo Xisbiga WADDANI
Hargeysa (Foore)- Tiro Badan oo ka mid ah dhallinyarada iyo Aqoonyahanka beesha Solomadaw oo ka mid ah beelaha Habar Jeclo ayaa kulan ballaadhan oo ay shalay iskood ugu qabsadeen Huteel Snake and Fish House waxa ay taageero mug iyo miisaan leh ugu muujiyeen Hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay ku hambalyeeyeen xilkaasi cusub ee uu ka qaban doono xisbiga WADDANI iyo dookhii uu ku doortay in ay isaga iyo garabkii uu ka tirsanaa ee is-bahaysigu ugu guureen xisbiga WADDANI kagaan digo rogteen xisbiga KULMIYE oo ay hore u taageeri jireen.
Kulankan oo ka dhacay Huteel Stake and Fish House ee Magaala Hargaysa waxay dhalinyaradaasi ku muujiyeen siday ula dhacsan yihiin fikirka xorta ah ee ku dhisan wax ku doorashada wanaaga iyo samaanta. Xubaha kulankaas soo qaban qabiyay ayaa ka hadlay sababta ugu weyn ee ay tageerada ugu mujiyeen Hoggaamiye Xirsi Cali Xaji Xasan, iyagoo sheegay inay noqonayaan dhalinyaradii ugu horeysay ee si iskood ah intay isu soo abaabulaan tageero la garab is taaga Xirsi iyo fikirka WADDANI.
Waxay tilmaameen inay ku qanceen rabitaanka xorta ah ee Xirsi Cali Xaji Xasan soo bandhigay, kaas oo ah inay dhalinayaradu ka tashadaan ayahooda qablaayadna aanay waxba ku dooranin.
Geesta kale Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan oo isna kulankaas ka hadlay ayaa u mahad naqay dhalinyaradda soo abaabushay kulanka ay tageerada ugu mujiyeen, waxaana hadaladiisi kamid ahaa. “Aadban idinku mahad celinayaa idinkoo ah labeentii waddanka, way qiimo badantahay marka qofku isagu isa soo abaabulo oo wixii uu sax u arkaayo is barbar taago, anigu Dawladda Axmed Siilaanyo Mucaarid kuma ihi sidaan marar hore sheegay, waa Xukuumaddii aan shalay dhisaayay waxaynu-se isu kaashanaynaa in aynu wanaag iyo fikir xor ah wax ku doorano Siilaanyo dabadii, iyadoo aan cidna la khasbayn idinkaa go’aanka leh idinka ayaa ayihiina ka tashanaaya qabyaalad iyo naxli wax lagu doorto wanaag iyo samaan ka dhalan mayaan.” Sidaa waxa yidhi Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI .
Gebo gebadii kulankaas waxay dhalinyaraddii aqoonyahanka ahayd ee ka soo qayb gashay ku ballan qaaden inay hiil iyo garaba la barbar taaganyihiin Xirsi Cali Xaji Xasan iyo xisbiga WADDANI oo ay si weyn ula shaqayn doonaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *