Dhallinayaro Ay Xukuumaddu Soo Abaabushay Oo Shalay Isku Dayay Inay Carqaladeeyaan Munaasibadii Cuslayd Ee Huteel Ambassador Ee WADDANI, Calanka Xisbigana Dhulka Jiiday

“Xaafaddani UCID Iyo Kulmiye Ayay U Xidhan Tahay” Hadalkii Kooxda Abaabulan

Hargeysa (Foore) – Kooxo dhalinayro ah oo dhagaxaan iyo Budhadh ku hubaysan oo abaabulan ayaa shalay isku dayay inay jidgoyn u dhigaan Gaadiid kolonyo ah oo u sii socday Munaasibadii Xisbiga WADDANI shalay ku Soo dhaweeyay Siyaasiyiintii Miisaanka Cuslaa ee ku soo biiray,kuwaasi oo taayiro iyo Calanka Xisbiga WADDANI Ku gubay goob shaarac ah oo badhtamaha Jidka Garoonka Diyaarada Hargeysa taga ah.
Goobjoogayaal Wakhtigaasi ku sugnaa Halka uu falkaasi ka dhacay ayaa Wargeyska Foore u sheegay in Aroortii hore ee Shalay,ka hor intaanay furmin Xafladii Xisbiga WADDANI ku qabsaday Huteelka Ambassador ay koox dhalinyaro ah oo abaabulani kala xidheen Jidka Hutaalkaasi loo maro,Qiyaastii meel u dhaw Huteelka Star ee kuyaala jidka loo maro Garoonka Diyaaraha Cigaal ee Magaalada Hargeysa,kuwaasi oo isku dayay inay Cabsi galiyaan Kolonyo ka mid ah Gaadiidkii ku sii qul qulaysay Munaasibadii cuslayd ee Xisbiga WADDANI ee ka furmaysay Huteel Ambassador,waxa ay hor istaageen oo ay xidheen Gaadiidkii ay saarnaayeen Siyaasiyiintii shalay ku biiray Xisbigaasi,waxa ay ku hor gubeen Calanka Xisbiga WADDANI iyo Tiro taayiro ah.
Sida laga daawaday Muuqaalo laga soo duubay Dhalinyartan oo la soo galiyay Baraha internetnka,Waxa Dhalinyartani ku qaylinayeen erayo ka dhan ah Xisbiga WADDANI iyo Munaasibadii uu Shalay ku soo dhaweeyay ee uu u qabtay Siyaasiyiintii aadka u miisaanka Cuslaa ee ku soo biiray,waxa ay sidoo kale ku dhawaaqayeen Erayo ay taageero ugu muujinayeen Xisbi Xaakimka Kulmiye,waxa ka mid ahaa Hal ku dhegyadii ay kuu dhawaaqayeen ““Xaafadani lagama ogola WADDANI, UCID ayay u xidhan tahay iyo sidoo kale xisbiga Kulmiye ayay u xidhan tahay”.iyo hadalo kale oo u dhigma, iyagoo markii dambe ku sigtay inay isku dhacaan Taageeyaashii badnaa ee Xisbiga WADDANI EE Munaasibada ku socday kuwaasi oo iyaguna gaadiidka intay ka degaan isku diyaariyay inay iska difaacaan.
Dhinaca kale,Illo-wareedyo Wargeyska Foore xalay soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay inay Dhalinyartaasi soo abaabuleen Masuuliyiinta Beesha Ciidagale kaga jira Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda kuwaasi oo aad uga xumaaday Siyaasiyiinta miisaanka leh ee Beeshooda ka tirsan ee ku biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI iyo Dadka Shacabka ah ee taageersan ee ku sii qulqulayay Munaasibadaasi.Warar hoose ee oo aanu ka helnay Illo Lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxay in masuuliyiintaasi uu ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen Dhabeeye iyo Maamulaha Madaarka Cigaal Maxamed Yuusuf Ismaaciil,kuwaasi oo la sheegay inay Habeen hore dhaq dhaqaaqyo ku lidi ah Munaasibadaasi ka wadeen Xaafadaha Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa oo Dhalinyartaasi laga soo abaabulay balse ugu dambayn tiro aad u yar ku kacay fal ay hal taayir ku gubeen calanka xisbiga WADDANIna dhulka ku jiideen kuwaasi oo qaab habqan ah oo aan diyaarsanayn u muujinayay waxan ay diidan yihiin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *