Dhalinyaradii Ugu Badnayd Oo Shalay Dhaawacyo Kala Duwan Loogu Gaystay Magaaladda Hargeysa, Qaar Faashash Lagu Jeex Jeexay Xamaasada Tartanka Xisbiyadda Awgood Iyo Qaar Gaadiid Ka Dhacay

Hargeysa, October 26, 2017- (Foore)- Waxa shalay Galinkii hore mashquul galiyay Qaybta Gargaarka deg degga ah ee Cisbitaalka weyn ee Magaaladda Hargeysa dhalinyaro dhaawacyo kala gadisan soo gaadheen kuwaasi oo ku soo waxyeeloobay banaan bixii ololaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ee shalay,kaasi oo ka socday Caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo guud ahaan Gobolada Dalka Somaliland.
Dhalinyaradan oo uu Wariye Wargeyska Foore ka tirsani ku booqday Cisbitaalka Weyn ee Magaaladda Hargeysa gaar ahaan Qaybta Gargaardka deg degga ah Shalay ayaa waxa ka mid ahaa Nuux Ismaaciil Haybe oo da’diisu ahayd qiyaastii 14-jir oo jugo culus qabay islamarkaana ay jabnayd Gacantiisa Midig,kuna Labisnaa wakhtigaasi astaanta Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye,kaasi oo abaaro Duhurnimadii shalay lagu dabiibayay Cibitaalka Guud gaar ahaan qaybta Gargaarka deg degga ah,waxa kale oo dhalinyarada uu Wargeyska Foore ku soo arkay Cisbitaalka ee dhaawacyada Culus qabay ka mid ahaa Maxamed Cabdi Cali oo wiil dhalinyaro ah oo Ciyaala Iskuul ah ahaa oo gaadhigii uu saarnaa ka dhacay,kaasi oo dhaawac Culusi ka gaadhay madaxa,islamarkaana ay ka muuqdeen nabaro kale oo markaas dhiigayay,waxaanu sida la sheegay ka mid ahaa Taageerayaashii Xisbiga Kulmiye shalay dabaashaadayay.
Sidoo kale, Dhalinyaro kale oo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ah oo wakhtigaasi Wargeyska Foore booqday Cisbitaalka Hargeysa laga qaaday ayaa sida la sheegay faashash lala soo dhacay iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Qaar ka mid ah Dhalinyartaasi lagu soo waxyeeleeyay Xaafadaha Maxamuud Haybe iyo New Hargeysa kadib markii ay gaadiidkii ay saarnaayeen ee ay ku dabaaldagayeen ay shalay gaadheen xaafadahaasi,sidoo kale waxa isla shalay uun Cisbitaalka la geeyay dhaawaca dhalinyaro kale oo sidoo kale Faashash iyo tooriyo loo adeegsaday oo laga soo qaaday xaafadda Idaacadda ee Ka tirsan Degmadda 26-June ee Magaalada Hargeysa,kuwaasi oo sida la noo xaqiijiyay ay qaar ka mid ahi qabeen Dhaawacyo aad u culus,waxa sidoo kale jiray Dhalinyaro tiro badan oo dhaawacooda la soo gaadhsiiyay Cisbitaalka Hargeysa Shalay kuwaasi oo gaadiidkii ay ku dabaaldegayeen ka dhacay, islamarkaana dhaawacyo culus iyo jugo Culus soo gaadheen.
Majiro war rasmi ah oo ka soo baxay Xarunta Xisbiga Kulmiye iyo Maamulka Dhakhtarka Dawladda midna oo faah faahin ka bixinaya Shilalkan kala duwan ee Shalay haleelay Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye,balse waxa soo kordhaya oo aan la joojin Karin qaabka halista badan ee ay u banaan baxaan Axsaabta siyaasadu,nidaamkaasi oo ah nidaam guun ah oo u baahan in wax laga baddalo qaab kalena looga fekero mustaqbalka in ololaha loo dhigo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *