Dhagax Dheemman Ah Oo La Sheegay In Uu Yahay Kii Labaad Ee La Helo Ee Ugu Xajmi Weyn Oo Lagu Kala Iibsaday Lacago Caqliga Ka Baxsan + Waddanka Laga Helay Dheemmantaasi

Gabal Macdanta Dheemmanta ah ayaa magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska lagu kala iibsaday adduun lacageed oo gaadhaya $53 milyan oo dollar waana lacagtii ugu badnayd abid ee lagu kala iibsado qayb dhagax dheemman ah oo suuqyada dheemmanta la keenay iyada oo warbixintan lagu sheegay in uu dhagaxaasi xajmigiisu ahaa kii labaad ee ugu weyn inta la diiwaan geliyey.
Guddoomiyaha shirkadda Graff Diamonds oo lagu magacaabo Laurence Graff ayaa iibsaday dheemankan oo la sheegay in uu yahay kan labaad ee adduunka ugu weyn inta gacanta lagu hayo illaa imikana dunida u diiwaan gashan iyada oo inta badan dhagxaanta macdanta dheemmantu yihiin kuwo xajmigoodu yar yahay oo qaalli ah. Dheemankan ayaa waxaa soo heshey shirkad mavcdanta ka shaqaysa oo laga leeyahay waddanka Canada oo lagu magacaabo Lucara Diamond Cord, waxayna kasoo qoday dalka Botswana laba sano ka hor. Waxaa dheemankan lagu magacaabaa “Lesedi La Rona” oo micnaheedu yahay “Illeyskeenii” marka laga soo turjumo afka Tswana ee lagaga hadlo dalka Botswana.
Waxa uu la egyahay kubbada teeniska oo kale, waxaana la sheegay in uu yahay mid aad nadiif u ah oo sidii quraarad wax laga dhex arki karo. Laurence Graff ayaa dheemankan ku tilmaamay dheemanka adduunka ugu weyn ee caydhiinka ah oo uu ula jeedo aan wali la dhalaalin oo aan dib loo habayn ama aan laga dhigin mid bisil. Dheemankii kan ka horeeyay waxaa laga heley dalka Koonfur Afrika sannadkii 1905-tii, kaas oo lagu magacaabi jiray Cullinan Diamond.
Qaaradda Afrika gaar ahaan dalalka Galbeedka, Badhtamaha iyo Koonfurta ayaa la sheegaa in ay yihiin dalal qani ku ah macdanta Dheemanka oo laga sameeyo arrimo aad u badan oo manaafacaad u leh bani aadamka ahna macdanaha dhagxaanta ah tan ugu qaalisan. Shirkado laga leeyahay dalalka reer Galbeedka ayaa la sheegaa in ay si foolxun uga faa’iidaystaan ugana gurtaan khayraadkaasi dalalka Afrika ee sida kaleba saboolka u ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *