BREAKING NEWS
Search

Dawladda Hoose ee Hargeysa oo banaysay Wadooyin xidhmay oo ku yaala degmada Axmed-dhagax

Hargeysa (Foore)-Hawl gal lagu Banaynayo wadooyinka xidhmay ee Degmada Axmed Dhagax ayaa maanta mar kale Laga bilaabay Xaafada Sh.Muuse Ducaale oo ka tirsan Degmadaasi Axmed Dhagax.

Xildhibaanka Golaha degaanka u qaabilsan Degmada Axmed Dhagax Cabdixakiim Maxamuud Xuseen, oo ka hadlay Hawlgalkaasi ayaa sheegay in ku baneeyeen Sedex iyo Toban wado oo ku kala yaala,qaybaha degmadaasi, kuwaas oo uu tilaamay inay qayb ka yihiin 33 wado uu u qorshaysan in la baneeyo.

Xildhibaanku waxa intaasi raaciyay inay meesha ka saareen,seesas iyo dhir ka baxday wadooyinka Xidhmay.
Gudoomiyaha Degmada Axmed Dhagax Maxamed Warsame Cali oo ka hadlay Banaynta wadooyinka Xaafada Sheekh Muuse Ducaale ayaa isna sheegay inay hawshan Gacan ka geysteen dedweynaha degmadaasi ku nool,isagoo xusay in wadooyinka qaarkood loo diyaariyay sidii laami looga dhigi lahaa.

Gudoomiyaha Degmada Axmed Dhagax Maxamed Warsame Cali waxaa uu dadweynaha Degmada ka dalbaday inay ku dedaalaan Bixinta cashuuraha Dawlada Hoose,isagoo muujiyay inay Cashuurtu saldhig u tahay waxqabadka Degmada iyo kan dawlada hoose ee laga sugayo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *