Search

Dawlada Soomaaliya Oo Sheegtay Inay Dib U Heshay Maamulista Hawada Soomaaliya,Xarun Muqdisho Laga Maamulayana Laga Samaynayo Hargeysa.

Muqdisho(Foore) – Ra’izul Wasaaraha Xukuumada Taagta Daran Ee Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke Iyo Wasiirka Gaadiidka Iyo Saddaasha Hawada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa wada dhagax dhigay xarun laga hagi doono Diyaaradaha Isticmaalaya Hawada Dalka Soomaaliya,waxa ay sheegeen inay Soomaaliya dib u heshay hagista Hawada Soomaaliya guud ahaan oo ay ku jirto Somaliland.
Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa xadhig ka jaristan Xarun laga dhisayo meesha laga hagayo Hawada Soomaaliya ku sheegay guul u soo hoyotay Soomaaliya maadaama oo ay dib u heshay maamulista hawada oo mudo dheer ka maqnayd.Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Xaruntan dib loo dhisayo aanay shaqeyn 25-kii sano ee lasoo dhaafay , waxaana Hawada Dalka Soomaaliya Iyo Somaliland laga hagi jiray Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, iyadoona dakhliga kasoo xerooda Hawada Soomaaliya ay maamuli jireen gacno shisheeye.
Wasiirka Gaadiidka iyo saadaasha hawada Soomaaliya mudane Cali Axmed Jaamac Jangali, oo ka hadlay Munaasabada dhagax dhiga ayaa sheegay in dib usoo celinta xarunta laga hago hawada Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland ay guul u tahay umada Soomaaliya, ayna qeyb ka tahay horumarada ay gaadhay Dowlada Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigaye .
Waxa uu sheegay Wasiirka marka dhisamaha uu dhamaado xaruntan la dhigi doono qalab casri ah oo loo adeegsan doono maamulka hawada Soomaaliya, waxa uuna intaa raaciyay in xarun labaad iyana laga hergalin dono Magaalada Hargeysa,taasi oo waji gabax ku ah Dawlada Somaliland oo aan ka hadal arintaasi.Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo xadhiga ka jaray xaruntan ayaa sheegay in guul weyn ay Soomaaliya u tahay in maamulka hawadeeda ay la soo wareegto isagoona xusay in xaruntan oo kale ay Dowladdu ka hirgalineyso Magaalada Hargeysa si markii loo baahdo loo adeegsado.
Sida war Bixinta lagu sheegay Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa in ka badan 25-sano waxa uu ka maqnaa gacanta Dowlada Soomaaliya, waxaana xaruntan loo weeciyay Magaalada Nairobi halkaas ay mamaulkeeda gacanta ku hayeen Qaramada Midoobay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *