BREAKING NEWS
Search

Dawlada Hoose ee Hargeysa oo u diyaar garowgeeda munaasibada Ciidul Adxa

Hargeysa (Foorenews)- Dawlada Hoose ee Hargeysa ayaa maanta iyo caawa samaysay olale balaadhan oo ay ku diyaarinayaan goobihii dadweynaha caasimaddu ku tukan lahaayeen salaada Ciida Adxaha.

Dawlada Hoose ee Hargeysa waxay diyaarisay nidaaminta garoomada lagu tukanayo Salaada Ciida oo ay sii rushaynayeen banaanka lagu tukanayo, sida uu sheegay Maayarka Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud (Jiciir).

Maayarka oo uu weheliyay Xoghaya fulinta dawlada Hoose ee Hargeysa Mawliid Waris Cabdilaahi waxay caawa kormeer ku soo mareen fagaareyaasha loo asteeyay in dadweynuhu ay ku tukadaan sida Garoommada Hargeysa Stadium, Garoonka Sayladda, Garoonka Guryo samo, Garoonka Tareedhiska, Garoonka Xawaadle iyo goobo kale.

Maayarka Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir waxa uu dhambaal Hambalyo ah u diray shacbiga Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan bulsho weynta Gobolka Maroodi-jeex waxa anu sheegay inuu u rajaynayo inay ciidan ciideeda ku gaadhaan bash bash iyo Barwaaqo,

Maayarku waxa kale oo uu dadweynaha u soo jeediyay inay Ilaaliyaan nabadgelyada waxaanu dadka gaadiidka wata u soo jeediyay inay xawaare degan ku dhex socdaan magaalada si aanay u waxyeelayn carruurta iyo dadweynaha u dabaal degaya munaasibada Ciidul Adxaha.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *