BREAKING NEWS
Search

Dastuurka Cusub Ee Soomaaliya Oo Somaliland U Arka Qayb Ka Mid Wadankaasi Iyo Khabiir Sharci Oo Ka Hadlay Saamaynta uu Yeelan Karo

“ Dastuurka la ansixiyey ee Soomaaliya beesha caalamka  iyo cid kale midna inaguma khasbi karto waayo….” Garyaqaan Maxamuud Xuseen.

 

Hargeysa (Foore) – Wadanka Soomaaliya ayaa maalintii shalay si rasmiya u  yeeshay Dastuur Cusub  kaasi oo Dalka Somaliland u aqoonsan Gobolo ka mid ah Soomaaliya.

 

Dastuurkani oo ay Beesha Caalamku dabada ka waday ayaa Dhulka Somaliland u arka Gobolo ka mid ah dhulka wadanka Soomaaliya, waxana ay  Wadama Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay hore u  balan qaadeen in Cidii ka hor timaadba hir galinta Dastuurkaasi ay talaabo ka qaadi doonaan.

 

Dastuurkaasi Cusub ee Soomaaliya iyo saamaynta sharci ee uu Somaliland ku yeelan karo ayuu Wargeyska Foore wax ka waydiiyey Garyaqaan Maxamuud Xuseen Faarax oo ah Sharciyaqaan Reer Somalialnd ah sidoo kalen ah Hormoodka Kuliyada Sharciga Jaamacada Hargeysa.

 

Garqayaanka oo ayaa habeenkii xalay aanu waraysi Gaar ah kula yeelanay khadka talafoonka isaga oo Hargeysa ku sugan, ayaa faahfaahin ka bixiyey Sharciyada Dastuurkaasi iyo Saamaynta Somaliland uu ku yeelan karo. Garyaqaan Maxamuud oo arintaasi ka hadlaya ayaa yidhi “ Marka lays waydiinayo raadaynta sharci ee  Somaliland uu ku yeelan karo Dastuurka Qabyada ah ee maanta (Shalay) loo ansixiyey Soomaaliya, waxa jawaabtu tahay Somaliland way Go’day Midnimadii Soomaaliya way ka noqotay 1991kii arintaasina waxa ay ku Go’aansatay Dastuur sharci ah, sharciyan marka la eego labada dal waxay midoobeen 1960kii, markaas midowigii waa kii baaba’ay, Somaliland waxay samaysatay Qaran Madaxbanaan, inkasta oo aanay beesha Caalamka ka helin Aqoonsi Caalamiya, hadana waxay samaysay  Maamul Madaxbanaan(Self Derterminatoin) inay Masiirkeeda Go’aan ka gaadhna waa wax ay xaq u leedahay, sharciyna  arintaasi waa la tixgalinayaa, xaga fulintana Dastuurkaasi Soomaaliya wax raadayn ah ku yeelan mayo Somaliland.” Ayuu yidhi Sharci yaqaanku waxaanu intaasi ku daray “ Dhinaca Xidhiidhka Caalamiga ahna, beesha Caalamku waatii hore u go’aamisay in Somaliland iyo Soomaaliya iyaga oo laba dal ah inay wada hadlaan, markaas Dadka maanta Somaliland ka socoda ee xagaas Koonfur jooga ma matalaan dadka reer Somaliland, afkuunbay ka sheegaynayaa, sida rasmiga ahna sharciyan wax saamayn ka inagauma yeelankaro, Dastuurka la ansixiyey ee Soomaaliya beesha caalamka  iyo cid kale midna inaguma khasbi karto waayo Madaxbanaanida Somaliland waa mid ku salaysan Go’aan shacbi oo sharciya iyo afti Dadweyne oo la qaaday.” Ayuu yidhi Garyaqaan Maxamuud.

 

Hormoodka Kuliyada Sharciga Jaamacada HargeysaGaryaqaan Maxamuud Xuseen Faarax ayaa keesta kalena ka hadlay qorsha la doonayo in Somaliland kaga mid noqoto maamul Goboleedyada Soomaaliya oo uu wato Ergayga Qaramada Midoobay  Mr Mihiga, waxana uu yidhi “ waxa jira Qorshe uu Ousting Mihiga iyo Qolooyinkaasi Dawlada Ku meelgaadhka ahi ay wataan oo ay doonayaan inay Somaliland kaga mid noqoto Dawlada Fadaraalka iyada qaadanaysa Maamul goboleed, taasina wax weeye Somaliland oo ka noqtay Go’aankeedii hore oo ahaa Madabanaanida oo qaatay Fadaraal, taasina maaha wax maanta Go’aan laga gaadhay, Somaliland wada halaka ay kula jirto Soomaaliya waa mid ay ku doonayso Aqoonsi iyo sidii ay labada dal u kale bixi lahaayeen, ee maaha mid ku saabsan midnimo.”

Qareen Maxamuud Xuseen ayaanu wax ka waydiinay hakadka ay Xukuumada Somaliland galisay wada wadaladii ay la lahayd Soomaaliya iyo Xidhiidhka ka dhaxeeya Dastuurka Cusub ee dalkaasi loo ansixiyey oo Somaliland u arkaya Gobolo ka mid ah Soomaaliaya, waxana uu kaga jawabaay “ Hubaal, saamayna wuu ku yeelaynayaa Wadahadalka waayo marka uu Dastuurkoodu leehay Somaliland oo qayb ka mida Soomaaliya waa wax ay afka uun ka yihaahdeen, wada hadalana raadayn wuu ku yeelanayaa, waxa la yaabaa in arintaasi ay xidhiidh la leehay hakadka yimid.”

 

Gababadii Shariciyaqaan Maxamuud Xuseen Faarax ayaa rajo-weyn ka muujiyey wadahadala labada dal, waxana uu tilmaamay in arintaasi ay horseedayso inay Somaliland ay hesho Madaxbanaani iyo Aqoonsi dhamays tiran waxana uu yidhi “ maanta waa arin rajo-weyn leh wadahalkaasi, waayo waa dariiqii ay labada Suudaan ku kal Go’aan, shakii Nairobi ka dhacay 2005tii Lixidii qodob ee ka soo baxay ayaa arintaasi aas-aas u ahaa, maanta inaguna waxaynu haysanaa fursadii mid la mid ah oo London iyo Istanpul baaqyadii caalamiga ahaa ee ka soo baxay waxay taageerayaan in Somaliland iyo Soomaaliya ay si sharciya u kala baxaan, oo ay la baxooda la kaashadaan Sharciyaqaan iyo Dhaqalayahano, taasina waa fursad qaaliya oo aynu helnay, una baahan in ka Qaran ahaan aynu ka faa’iidaysano, oo loo xilsaaro dad Kubada Siyaasada iyo Sharciga si wanaagsan u ciyaari kara.” Ayuu yidhi Md. Maxamuud Xuseen.



Foore/ General Editor

@Saddam Mohamed.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *