Dastuurka Cusub Ee Soomaaliya Oo La Ansixiyay Iyo Ra’isal wasaare Gaas Oo Ku Faanay In Dastuurka Ka Mid Yahay Waxqabadka Xukuumadiisa

Muqdisho (Foorenews) Augsto 01, 2012 – Dastuurka qabyo-qoraalka Soomaaliya,ayaa goordhaweyd cod aqlabiyad leh lagu meel mariyay, ka dib toddobaad ay ergada ansixinaysaa   ay ka doodeen qodobada uu ka kooban yahay.

Cod-bixinta  loo qaaday dastuurka ayaa ahayd mid gacan-taag ah ayaa waxa codkooda ka dhiibtay 645 ergay oo ku sugnaa xarunta uu shirka ansixinta ka socday, waxaana 621 ergay oo u dhiganta 96% ay ku codeeyeen meelmarintiisa, iyada oo ay 13 egay ay iyaguna diideen, taasoo  u dhiganta  2%, waxa ka aamusay 11 ergay oo 2% ka noqonaya ergooyinka codeeyay.

 

Natiijada codadka ayaa waxa ku dhawaaqay Prof  Xuseen Warsame iyo Nimco Axmed oo ka mid ahaa ergooyinka ansixinta dastuurka, waxaana goobta  laga maqlayay  sacab iyo heeso ay qaadayeen ergooyinka dastuurka ansixiyay si ay u muujiyaan farxaddooda.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabiweli Maxamed Cali ayaa goobjoog ka ahaa seexiixa natiijadii ka soo baxday codeynta ergada, iyada oo lagu dhawaaqay in dastuurk uu yahay mid  ku meel gaadh ah inta shacabka Soomaaliya ay codkooda u qaadayaan.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya waxa uu sheegay in markii la soo billaabay qorsha dastuurka laga faafiyay dacaayado badan, waxaana sheegay in ay xukuumaddiisa ay hawsha ugu horreysay ee ay ku talogashya ay ahayd in la fuliyo afartii qodob ee ku qornaa Qariidada nabada.

Ansixinta dastuurka, ayaa soo afjaraysa xilliga ku meel gaadhk ah ee dawlada Sheekh Shariif oo doorasho dhici doonta bisha August ee sannadkan ka qaybgeli doonta.

 

Foorenews/General Editor

@Saddam Mohamed




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *