BREAKING NEWS
Search

Dalladda NAFIS Oo Hargeysa Ka Furtay Kulan Ballaadhan Oo Lagu Diyaarinayo Farriimaha Saxda Ah Ee Ku Habboon Wacyigelinta La Dagaalanka Gudniinka Gabdhaha

Hargeysa (Foore)- Kulan ballaadhan oo lagaga hadlayay sidii farriimo wanaagsan oo kor u qaadi kara wacyiga bulshada ee la dagaalanka iyo joojinta gudniinka xaqdarrada ah ee lagu waxyeeleeyo gabdhaheena ayaa maanta ku qabsoomay Huteel Summer Time ee magaalada Hargeysa.
Kulankan oo socon doona muddo saddex maalmood ah waxa soo qaban qaabisay dalladda isku xidhka ururada ka shaqeeya la dagaalanka gudniinka gabdhaha ah ee NAFIS waxaana ka soo qayb galay in ka badan 30 xubnood oo ka kala socday wasaaradaha xukuumadda ee arrintani khusayso sida wasaaradda caafimaadka iyo wasaaradda shaqada iyo arrimaa bulshada, sidoo kale kulankan waxa ka soo qayb galay xubno ka kala socday ururada bulshada, cisbitaalada Hargeysa iyo Edna Adan, hay’adaha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah. Masuuliyiinta kulankan ka soo qayb galay waxa kale oo ka mid ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha qoyska Md. Baashe Yuusuf Axmed, Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo Shukri Xariir Ismaaciil oo ka socotay hay’adda HBA.
Kulankan oo ujeedadiisu ahayd sidii meesha looga saari lahaa farriimaha khaldan ee bulshada ku fiday ee laga fidiyo gudniinka gabdhaha loona diyaarin lahaa farriimo iyo tilmaamo wanaagsan oo la jaan qaadi kara wacyigelinta joojinta gudniinka, waxa ugu horrayn furitaankiisii ka hadlay Md. Cabdiraxmaan Cismaan Gaas oo ah xidhiidhiyaha barnaamijyada dalladda NAFIS oo shirka furay kadibna ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha dalladda NAFIS Marwo Aamina Maxamuud Warsame (Aamina Milgo) oo faahfaahin ka bixisay wali sida aanay bulshadeenu uga waantoobin waxyeelada ba’an ee caafimaad ee gabdhaheena ka haysata gudniinta.

Marwo Aamina Milgo oo arrimahan ka hadlaysaa waxa ay tidhi: “Muddo badan ayaa la soo waday wacyigelinta ka shaqaynta arrintan balse wali wax weyn baa dhiman. Marxalado ayay soo martay arrintani maantana waxa aynu u baahanahay in aynu sii laban laabno oo sida ugu habboon wax ugu qabano. Bulshadeenii wali may garawsan dhibaatada arrintani leedahay waxaanay ula baxeen magacyo kale sida Sunni, Fircooni iwm”. Marwo Aamina Milgo waxa ay xustay in hawlaha la xidhiidha wax ka qabashada Gudniinka gabdhaheena dhibaatada ku hayaa tahay mid gaabis ah loona baahanyahay in la dardar geliyo, gaar ahaan haweenka iyo raggu si aad u sarraysa uga hawl galaan. Sidoo kale waxa ay aad ugu dheeraatay farriimaha khaldan ee warbaahinta ama si guud bulshada ugu fiday ee la xidhiidha gudniinta waxaanay sheegtay in loo baahanyahay in la saxo farriimaha bulshada ka gaadhaya si aynu meesha uga saarno dhibta gudniinta.
Intaa kadib waxa furitaankii kulankan hadalo dardaaran, tilmaamo iyo guubaabo isugu jira oo aad u qiiro badan ka soo jeedisay Drs; Edna Aadan Ismaaciil oo muddo ka badan 40 sanadood dhibaatada gudniinta ka soo shaqaynaysay sidii wax looga qaban lahaa. Marwo Edna Waxa ay si qiiro badan uga sheekaysay dhibaatada uu gudniinku ku hayo caafimaadka haweenkeena iyada oo maalin walba cisbitaalka Edna lagu daaweeyo haween aad u tiro badan oo siyaalo kala duwan uu gudniinku u saameeyey caafimaadka haweenka, sida isku furanka, dillaaca kaadi-haysta iyo guud ahaan cudurada uu haweenka ku sababo gudniinku. Marwo Edna waxa ay sheegtay in aanay cidina maalin walba ka sheekayseen xubnaha haweenkeena balse ay sababtu tahay iyada oo aan wali laga gudbin bulshadeenuna aanay ka waantoobin dhiibaatadiisa, iyada oo aad ula dardaarantay oo si gaar ah farriin ugu dirtay ragga oo ay sheegtay in ay door weyn ka qaadan karaan sidii bulshadeenu uga gudbi lahayd caadadan dhibta badan. “Waxa ay odhanayaan inantii ayaan xalaalaynayaa. Waxaan leeyahay Ilaahay xubin aadame oo xaaran ah ma abuuro. Haddii aynu dad islaam ah oo wanaagsan nahay waxaa hablaheena kumaynaan samayneen oo caafimaadkooda maynaan dhantaalneen” ayay tidhi Marwo Edna.
Marwo Edna Aadan waxa ay ka sheekaysay haweenay gudniinku sabab ugu noqday in ay muddo dhan soddon sanadood la dhibaatoonaysay isku furan ku yimid (Fistula), taasi oo nolosheedii, qoyskeedii iyo aayaheediiba ku baaba’ay sababta gudniinta. Gabagabadii hadalkeeda waxa ay Edna Aadan aad ugu mahad naqday dalladda NAFIS iyo wasaaradda qoyska oo ay sheegtay in ay dadaal weyn ka wadaan sidii loo baabi’in lahaa caadadan dhibaatada caafimaad haweenkeena ku haysa, waxaanay kula dardaarantay in ay dadalkaasi sii laban laabaan si ay ugu nastaan intooda waynaatay ee muddo hawshan soo waday.

Hadalada Marwo Edna kadib waxa iyana hadalka qaadatay Marwo Shukri Xariir Ismaaciil oo ka socotay hay’adda HBA oo aad ugu dheeraatay dadaaladii arrintan laga soo waday 16-kii sanadood ee ugu dambeeyey. Marwo Shukri waxa ay ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo farriimo habboon oo aan bulshada madax xanuun ku ridin oo aan wiiqin wacyigelinta habboon ee gudniinta in kulankan lagu diyaariyo.
Ugu dambayn waxa furitaankii kulankan ka hadlay shirkana si rasmi ah u furay agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Md. Baashe Yuusuf Axmed, oo ka hadlay dhibaatada gudniinku ku hayo caafimaadka haweenka isaga oo sheegay in loo baahan yahay in la sii laban laabo dadaalka loogu jiro sidii bulshadeenu u dabar goyn lahayd ku dhaqankiisa waxaanu si gaar ah dardaaran ugu diray culimada dalkeena oo uu ku tilmaamay kuwo kaalin muuqata oo ballaadhan ka qaadan kara hawshan. Agaasime Baashe waxa uu sheegay in haweenka iyo ragga si isku mid ah looga baahanyahay in ay ku baraarugaan kana shaqeeyaan sidii caadadan loo dabar goyn lahaa, waxaanu si gaar ah farriin ugu diray ragga oo ku tilmaamay kuwo wax weyn ka qaban kara haddii ay u kacaan gudashada hawshaasi.
Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa mudada uu socdo waxa lagu diyaarin doonaa qorshayaal muujinaya farriimaha saxda ah ee ku habboon in loo adeegsado marka bulshada laga wacyigelinyo dhibaatada gudniinta, warbaahinta iyo ra’yul caamka guudna u adeegsan lahaayeen iyada oo meesha laga saarayo farriimaha iyo hadalada khaldan ee sii kordhinaya in ay bulshadu ku sii dhagsanaato caadadan duuugga ah ee aan diinta islaamka meelna kaga oolin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *