Search

Dalka Iiran Oo Ka Samri La’ 140 Xaaji Oo Kaga Dhintay Shilkii Xajka Iyo Qaramada Midoobay Oo Ay Ka Codsadeen In La Baadho Dhacdadaasi

Tehran (Foore) – Madaxweynaha Iiraan Hassan Rouhani ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobey inay baadho sababihii dhaliyay shilkii ay ku dhinteen in ka badan todobo boqol xujey ah khamiistii, xilli ay gudanayeen waajibaadka xajka.
Mr Rouhani ayaa sheegay in loo baahan yahay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo shilkaas iyo shilalkii la midka ahaa ee horay u dhacay.
Dowladda Iiraan oo xafiiltan siyaasadeed kala dhaxeysa Sacuudiga ayaa horay ugu eedeysay maamul xumo, iyo inay maareyn weyday howlihii xajka, waxaana ay ka dalbatay inay Mas’uuliyadda qaadato.
Banaan baxyo lagu cambaareynayo dowladda Sacuudiga ayaa ka dhacay Caasimada Tehran, halkaasoo ay isugu soo baxeen boqolaal qof oo ka careysan dadkii ku dhintay Isbuurashadii ka dhacday Xajka.
Iiraan ayaa aheyd dalkii ugu badnaa ee ku dhintay shilkaas, waxaana tirada uga dhimatay ay caga cageyneysaa 136 ruux, halka boqolaal kale dhaawac yihiin.
Muftiga ugu sareeya dalka Sacuudiga Sheikh Abdul Aziz bin-Abdullah al-Sheikh ayaa sheegay in shilkii ka dhacay xajka uu ahaa “Qadar Alle” isla markaana aan lagu eedeyn karin bani’aadam, sida uu yiri.
“Mas’uul kuma lihid waxa dhacay”ayuu Muftiga u sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Sacuudiga Amiir Mohammed Bin Nayef.
Sacuudiga ayaa sheegay in tirada dadkii ku dhintay musiibadaas ay korortay, isla markaana gaartay 769 ruux, waxaana Boqorka Sacuudiga uu amray baaritaan deg deg ah in la sameeyo.
Dalal badan oo Iiraan ugu horeyso ayaa Sacuudiga ku eedeysay sida ay u mareysay xajka sanadka iyo qaabkii uu u dhacay shilka, markii dad ka soo dhameystay sheydaan tuurka iyo dadkii kale ee ku sii jeeday ay hal wado ku kulmeen, dabadeedna ay dhacday Isbuurashada.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *