Dalka Hindiya Oo Looga Ducaynayo Labadii Wiil Ee Madaxa Isaga Dheganaa Oo Qalliin 72 Saacadood Qaatay Lagu Kala Fujiyey

Guud ahaan waddanka Hindiya waxa labadii maalmood ee ugu dambeeyey looga ducaynayaa labadii wiil ee madaxa isaga dhejisnaa oo dhakhaatiir Hindi ahi ku kala fujiyeen qalliin qaatay in ka badan 72 saacadood oo xidhiidh ah ugu dambayna lagu guulaystay. Mataanaha qalliinka lagu kala fujiyey ayaa ka soo jeeda tuulo ku taalla gobolka bariga ee Orisa ee dalka india, kuwaasi isaga dhegganaa madaxa – xaalad luuqadda cilmi sayniska lagu yidhaahdo Craniopagus, iyadoo Dhakhaatiir joogta caasimadda India ee Delhi ay kala fujiyeen labada wiil.
Qalliinkii ugu horreeyey waxaa la sameeyey 28 August, markaasoo dhakhaatiirtu ay abuureen xididdo marinno kale kalq maraya oo aan ahayn kuwii ka dhaxeeyey, kuwaasoo dhiigga ka keenaya maskaxda, kuna soo celinaya wadnaha.
Sida ay dhakhaatiirtu sheegeen Caruurtan oo laba jirro ah ayaa la kala yidhaahdaa Jaga iyo Kalia waxaana lagu sameeyey qalliin qaatay 16 saacadood wakhtigaasi, waxayna iminka ku jiraan qaybta dadka u baahan daryeelka aadka u sarreeya ee Cisbitaal ku yaalla Delhi.

Koox dhakhaatiir ah oo 30 ka kooban ayaa qalliinkan sameeyey, waana kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lagu sameeyo Cisbitaal ay dawladdu maamusho. Wiilasha waxaa ka dhaxeeyey xididdada dhiigga iyo xuubka maskaxda, waana xaalad dhif iyo naadir ah oo lagu arko mid ka mid ah seddexdii malyan ee ilmood ee dhasha. Agaasimaha machadka caafimaadka Sayniska ee India, Randeep Guleria, ayaa u sheegay 18-ka maalmood ee soo socda ay muhiim u yihiin xaqiijinta guusha qallinkan. Xataa ka hor qalliinka waxay ka soo gudbeen marxalado adag. Carruurta sidan oo kale iyaga oo iskugu dheggan dhasha ayaa 50% dhinta 24 saac gudahood sida ay dhakhaatiirtu sheegeen.
Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in caqabadda shaqadooda ka hor timid ay tahay sidii loo heli lahaa maqaar lagu daboolo labada dhinac ee maskaxda labada ilmood, iyadoo qalliinku sababay daloollo waaweyn oo madaxyadooda ka samaysmay. “Haddii mataanaha ay qalliinka ka kacaan, tallaabada xigta waxay noqonaysaa in dib u dhis lagu sameeyo lafaha madaxyadooda” sidaa waxaa yidhi Maneesh Singhal oo ah dhakhtar yaqaanna qalliinka balaastigga.
Afhayeen u hadlay Cisbitaalka ayaa sheegay in ay u baahan yihiin ubadkani in loo duceeyo si ay u badbaadaan wallow rajadooda aan laga dayrin Karin haddana ay tahay xaalad adag in ay ka kacaan maadaama uu yahay qalliin aad u halis badan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *