BREAKING NEWS
Search

Dal Carbeed Oo Dumarkooda U Fasaxay Sharci Dhigaya In Ay Guursan Karaan Ragga Aan Muslimka Aheyn

Tunis, 16 Sept 2017, (Foore)- Dawladda Tuuniisiya oo ka mid ah dalalka Woqooyiga Afrika ee Carabta ah ayaa meesha ka saartay sharci dumarka dalkaasi u diidayay in ay guursadaan ragga aan Muslimiinta ahayn kaasi oo muddo dalkaasi lagaga soo dhaqmayay balse maanta gabi ahaanba la laalay sharcigaasi.
Arrintan ayaa timid bil ka dib markii madaxweyne Beji Caid Essebsi uu ku baaqay in meesha laga saaro sharcigaas.
Hadalkaas ayuu Madaxweynaha dalkaasi ku soo daray khudbaddii uu ka jeediyay maalinta qaran ee dumarka dalkiisa isaga oo si cad shaaca uga qaaday in aanu doonayn in sharcigaasi dalka ka sii shaqeeyo sidaana uu ku war gelinayo hay’adaha ay khusayso arrintaasi in la laalo. Markii haddaba madaxweynaha Tuniisiya uu ka hadlayay in sharcigan meesha laga saaro wuxuu ku macneeyay in uu caqabad ku noqday xoriyaddii xulashada lammaanaha.
Sharcigan hadda la laalay ee dumarka Tuniisiya u diidayay in ay guursadaan ragga aan Muslimka ahayn wuxuu soo jiray tan iyo sannadkii 1973-kii, haddana waxaa meesha ka saaray wasiirka Wasaaradda caddaaladda ee dalkaasi kadib markii Madaxweynuhu codsaday in xeerkaasi gabi ahaanba la laalo haweenka dalkaasina xorriyad buuxda loo siiyo cidda ay doonaan in ay guursan karaan gaal iyo muslim kuu doono ha noqdee ninku.
Hadda ka dib raga aan Muslimka ahayn loogama baahna shahaado caddaynaysa in ay Muslimiin yihiin, marka ay rabaan in ay guursadaan dumarka Tuniisiya. Dad badan oo reer Tuniisiya ah ayaa arrintan iyo sharciyo kale oo isbadal lagu sameeyay u arka tallaabo horrumar ah oo loo qaaday dhanka xuquuqda dumarka ee dalkaasi halka ay kooxaha islaamiyiinta ahi si weyn uga cadhaysan yihiin xeerkan iyo xeerar la mid ahi in ay xad-gudub ku yihiin shareecada islaamka ee ay haystaan dadka dalkaasi badankoodu.
Biishii July ee sannadkan baarlamaanka Tuniisiya ayaa soo saaray sharci cusub oo dumarka ka difaacaya kufsiga iyo shaqaaqadaha kale ee guryaha ka dhaca. Waxaa sidoo kale dastuurka laga saaray qaybtii ragga kufsiga gaysta ciqaabta ka saamaxaysay haddii ay guursadaan gabadhii ay faraxumeeyeen. Labadaasi qodob ee dambe oo dadka dalkaasi soo dahweeyey balse islaamiyiintu ay qodobkan cusub ee guurka ay doonaan u saamaxaya haweenkooda aad uga cadhaysiiyey.
Kadib markii go’aankani ka soo baxay xukuumadda dalkaasi Tuuniisiya waxa arrintaasi si weyn u soo dhaweeyey dalal badan oo xidhiidh weyn la leh dalkan sida dalka Faransiiska maadaama rag badan oo Faransiis ahi isku dayi jireen in ay guursadaan haweenka dalkaasi Tuuniisiya taasoo ku kallifi jirtay in ay xataa sheegtaan in ay muslim yihiin iyaga oo aan muslim ahayn.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *