BREAKING NEWS
Search

Dahir Rayaale oo gaashaanka ku dhuftay Xilka Qaadista Kus Simaha Xoghaya Guud ee UDUB

Paris (Foore)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa gaashaanka ku dhuftay go’aan ku simaha Guddoomiyaha xisbigaasi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin uu ku sheegay inuu xilkii kaga qaaday Ku simaha Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB C/Xaliim Maxamed Muuse.

Guddoomiyaha UDUB oo qoraal kooban ka soo saaray dalka Faransiiska oo uu degan yahay u kala diray Guddoomiye ku xigeenkiisa iyo Ku simha Xoghayaha xisbiga UDUB wuxuu ku sheegay in C/Xaliiim Maxamed Muuse uu ahaanayo ku simaha Xoghaya inta la iskaga imanayo.

Qoraalka Guddoomiyaha UDUB wuxuu u dhignaa sidan:- “Mudane Guddoomiye Ku xigeen adiga ayaa C/Xaliim u magacaabay Ku simaha Xoghayaha, aniguna waan kugu raacay sidaasi daraadeed isaga ayaa ahaanaya ku simaha Xoghayaha xisbiga UDUB inta aynu iskaga imanayno haddii ALLE yidhaahdo. Khilaafka xisbiguna yaanu halkaasi dhaafin.”

Qoraalkani wuxuu noqonayaa qaraarkii labaad ee Axmed Yuusuf Yaasiin soo saaro ee uu Guddoomiyaha Xisbiga UDUB ahna Madaxweynihii horena laalo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *