Search

Dahabshiil Group oo Door Muhiima ka Qaadatay Hirgelinta Carwda Ganacsi Ee Somaliland

Hargeysa (Foore)- Shirkadda Dahabshiil Group, ayaa door laxaad leh ka qaadatay hirgelinta carwo ganacsiyeedka Somaliland Business Fair oo darraad laga furay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Carwadan oo kulmisay in ka badan 100 shirkadood oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba iskaga yimi, isla markaana lagu soo bandhigaayey wax-soo-saarka shirkadahaas iyo adeegyada ganacsi ee ay bixiyaan, ayaa fikirkeedan keeneen koox dhallinyaro Somaliland ah, kuwaas oo sidii fikirkoodani u hirgeli lahaa ay gacan weyn ka siisay shirkadda Dahabshiil.
Xafladda furitaanka loo sameeyey carwadaas, ayaa waxa hadal kooban ka jeediyey Maareeyaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Md. Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa sheegay in shirkad ahaan farxad weyn u tahay dhiirigelinta iyo gacansiinta wax kasta oo dalka iyo bulshada horumar iyo sumcad u keenaaya, waxaannu xusay in uu ka mid ahaa masuuliyiintii ugu horraysay ee ay u yimadaan dhallinyaradaas, isaga oo tilmaamay in uu si weyn u soo dhaweeyey fikirkoodaas gacanweyna ka siiyey hirgelintiisa.
“Aniga oo ku hadlaya magaca guud ee shirkadda Dahabshiil, waxa farxad weyn noo ah in aanu ummadda reer Somaliland kala soo qaybgalno munaasibadan qaaliga ah ee kulmisay ganacsatada badan sidaad la socotaan baayac mushtarigu waxa uu ka mid yahay horumarka dhaqaalaha dalka, saaka waxa meesha ka muuqda waxa uu caddaynaya in uu dalkeenu yahay mid aamin ah, waxaana carwadani caalamka gaadhsiinaysaa nabadda dalkeena ka jirta.
Waxaan u mahad-celinayna xukuumadda Somaliland hadda jirta iyo kuwii ka horreeyey dedaalkii ballaadhnaa ee ay u galeen hirgelinta carwadan caalamiga ah.
Annaga farxad weyn bay noo tahay wixii dalka iyo dalkaba magac u keenaya, waxaanannu soo dhawaynayna mar kasta, waxaannu si gaar ah ugu faraxsanahay haddii aannu nahay shirkadda Dahabshiil Group in aannu maalgelinay dhaqaalihii lagu qabtay carwadda,” ayuu yidhi Maareeya Guud ee Dahabshiil.
Dhanka kale, waxa ay shirkadda Dahabshiil carwadaas ku soo bandhigtay adeegyada kala duwan ee ay bulshada u hayso.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *