Search

Dagaal-Ooge Cali Khaliif Galaydh Oo Ku Hor Calaacalay Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Bah-Dilaaddii Loogu Gaystay Xafladdii Cadaado

Cadaado (Foore)- Horjoogaha kooxda Nabad diidka ah ee la baxday Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa waji gabax iyo bah-dilaad kala kulmay Xafladdii Caleemo Saarka Madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya Md. Cabdikariim Xuseen Guuleed oo habeen hore saqdii dhexe lagu soo gabagabeeyey magaalada Cadaado ee dalka Soomaaliya.
Cali Khaliif Galaydh oo xafladdaasi kaga qayb galay Magacay Madaxweyne maamul goboleed balse aan haba yaraatee wax tixgelina lagu siin kaasi oo madashii xafladda ee Caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug ka jeediyey khudbad calaacal iyo cabasho ah oo uu ka hor muusannaabay Madaxweynaha maamulka Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud kaasi oo aan isna haba yaraatee waxba ka soo qaadin ama aan xataa hal jawaab ah ka bixin hadalladii calaacalka ah ee uu Cali Khaliif ka hor jeediyey madasha uu fadhiyey Xasan Sheekh.
Cali Khaliif Galaydh oo isagu ka hadhay khudbadihii maalinimadii gelinkii hore la jeediyey ee ay jeediyeen madaxweynayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya sida Galmudug iyo Koonfur Galbeed, arrinkaasina aad uga cadhaysnaa ayaa hadal kooban oo habeenimadii la siiyey waxa uu si weyn ugu calaacalay in aanay dawladda Muqdisho fadhidaa xaqeedii siin maamul uu ugu yeedhay Khaatumo oo sida uu hadalka u dhigay ah mid doonaya midnimadii Soomaaliya balse aanay madaxda Federaalku arrinkaasi marnaba waligood dheg jalaq u siin taasina ay u arkaan in aanay Muqdisho doonayn midnimo dambe oo ay isku raaci karaan Somaliland iyo Soomaaliya.
Cali Khaliif Galaydh ayaa madasha ka jeediyey khudbad aad loola yaabay oo isugu jirtay calaacal iyo beryootan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:
“Waxaan xafladdan ugu mahad naqayaa maamul goboleedka cusub ee Galmudug balse waxaan ka xumahay in dawladda Federaalku aanay meeqaamkaasi oo kale iyo dadaalkaasi oo kale mar kali ah nala soo qaadin amma aanay diyaar u ahayn in ay ku garab joogsadaan Maamulka Khaatumo. Waxaad ogtihiin in la dhisay maamul goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Koonfur-Galbeed, kuwo kalena soo socdaan balse maxaa keenay in Khaatumo la illaawo. Waxay taasi noo caddaynaysaa in aydaan dan ka lahayn midnimo Soomaaliyeed. Anigu nin weyn baan ahay oo waxba qarin maayo balse waxa ii muuqata in cidda Soomaaliya kala geynaysaa aanay ahayn Somaliland ee ay tahay masuuliyiinta dawladda Federaalka ah, umadda degta gobolada Woqooyi ee Khaatumo maxay u waayeen xaqoodii dawladnimo ee ahaa in la dhiso maamulkooda oo la taageero. Maalin kali ah lama soo hadal qaado”.
Dagaal-ooge Cali Khaliif Galaydh waxa uu sheegay in Muqdisho maalmihii ugu dambeeyey lagu hadal hayo in dawladda Federaalku usoo jeedsan doonto maamul goboleed loo dhiso Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe taasina muujinayso in aanay dan haba yaraatee ka lahayn wixii la odhan jiray midnimo Soomaaliyeed isaga oo arrinkaa ka hadlaya waxa uu yidhi: “Iyada oo maamul goboleedyadaasi la soo dhisayay oo dadaal lagu bixinayay ayaa waxa aan maalmihii ugu dambeeyey maqlaynaa in maamul goboleed kale loo dhisayo Koonfurta oo ah Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, xataa in Gobolka Banaadir maamul goboleed loo dhisayo. Xaggay qabatay Khaatumo oo waxaasi oo dhan ka wada horraysay, maxaa indhaha looga lalinayaa. Waxaa noo caddaatay in gobolada Woqooyi intooda badani doonayaan midnimo Soomaaliyeed balse aan Muqdisho laga doonayn taasaa noo cad waana nasiib darro weyn oo aan u arko in aan dib loo heli doonin Midnimo Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa calaacalka ah ku soo gunaanaday dagaal-ooge Cali Khaliif Galaydh.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *