Search

Dadweyne Ka Cadhooday Xaqiraadna U Arka Markii Madaxweynahoodu Hees U Qaaday Madaxweyne Dal Kale

Qaar ka mid ah dadweynaha waddanka Filibiin ayaa si weyn uga cadhooday cadhadoodana ku muujiyey baraha xidhiidhka Bulshada iyo goobaha dadku isugu yimaaddo oo ay ku soo xoomeen iyaga oo sita boodhadh ay ku eedaynayaan Madaxweynahooda kaasi oo Hees u qaaday inta muusig loo tumay isaga oo u heesay Madaxweynaha waddanka Maraykanka Donald Trump kaasi oo dhawaan safarku joogay dalkaasi Filibiin.
Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Dalka Filibiin halkaas uu kaga qeb galay Shirka Urur goboleedka Asian ee Wadamada Koonfur Bari ee qaarada Asia.
Donald Trump waxaa si diiran usoo dhaweeyay una heesay Madaxwenaha dalka Filibiin Rodrigo Dutere , waxaana labadan Madaxwene la sheegay in uu ka dhaxeeyo xidhiidh muddo dheer soo taagnaa oo aad u wanaagsani balse dadka waddanka Filibiin ayaa xaqiraad iyo liidnimo u arka falkaasi Madaxweynahoodu ug heesay Madaxweynaha dalka Maraykanka oo ay ku sheegeen in ay u muuqato mid xaqiraad dalkooda ku ah iyo karaamada Madaxweynahooda.

TOPSHOT – (L-R) The Association of Southeast Asian Nations (ASEAN) members Vietnam’s Prime Minister Nguyen Xuan Phuc, US President Donald Trump, Philippine President Rodrigo Duterte, Australia Prime Minister Malcolm Turnbull, link hands during the Opening ceremony of the 31st ASEAN Summit in Cultural Center of the Philippines (CCP) in Manila on November 13, 2017.
World leaders are in the Philippines’ capital for two days of summits. / AFP PHOTO / AFP PHOTO AND POOL / NOEL CELIS (Photo credit should read NOEL CELIS/AFP/Getty Images)


Munaasabad Casho sharaf ah oo uu sameeyay Madaxweynaha Filibiin ayuu ka qaaday hees caan ka ah dalkaasi oo lagu magacaay IKAW ama adiga, waxaana heestan Donald Trump si wadajir ah ugu qaaday Madaxweyne Dutere iyo Fanaanadda Pilita Corrales.
Donald Trum ayaa si weyn ula dhacay heesta uu u qaaday Dhigiisa Filibiin oo Ereyadeeda ay ka mid ahaayeen “Waxaad tahay Qalbigeyga, Waxaad tahay Iftiinka Adduunkeyga”
Madaxweynaha dalka Filibiin Duterte ayaa markuu heesta dhameeyey si kaftan ah u yidhi “heestan waxaa amar igu siiyey inaan u qaado Madaxweyne Trump”. Ayuu yidhi Madaxweyne Duterte




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *