BREAKING NEWS
Search

Dadweynaha Gabiley oo Banaan bax ku Taageeray Hawl-galkii Ciidamada Somaliland ku galeen Buuhoodle

Gabilay (Foore)- Banaan bax balaadhan oo lagu taageerayay madax banaanida qaranimada Somaliland iyo hawl galkii ciidanka qaranku dhawaan ku galeen Magaalada Buuhoodle, ayaa maanta ka dhacay magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley.

Banaan-baxan oo ay ka qeyb galeen Boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha magaalada Gabiley, ardayda dugsiyada, ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dadka banaan baxan ka qeyb galay oo socod ku maray jidka wadnaha ee magaalada Gabiley waxaanay siteen boodhadh iyo maryo ay ku qornaayeen halku dhigyo ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan qaranimada Somaliland waxaana halku dhigyadaasi ka mid ahaa “Somaliland lama kala jari karo”, Somaliland waa dal xor ah” Waan taageeraynaa ciidanka qaranka” iyo ereyo kale oo macno ahaan kuwaasi la qasdi ahaa.

Duqa magaalada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Gaydh oo la hadashay mudaharaadeyaashaasi ayaa uga mahad celisay siday dareenkooda wadaniga ah ugu muujiyeen banaan-bax salmi ah.

“Dadweynaha reer Gabiley waan uga mahad celinayaa siday dareenkooda iyo jacaylka ay dalkooda u hayaan ugu muujiyeen mudaharaadka, waxaan leeyahay qaranimada Somaliland waa muqadas. Afar oo siyaasiyiin ah oo qaarkood Soomaaliya Raysal wasaareyaal ka noqdeen waxba ma yeeli karaan qaranimadeena,”ayuu tidhi Maayarka Gabiley.

Badhasaabka Gobolka Gabiley Xuseen Cumar oo ka hadlay mudaharaadkaasi ayaa bogaadiyay dadweynaha reer Gabiley, waxaanu sheegay inay reer Gabiley caan ku yihiin inay taageeraan qaranimada Somaliland iyo ciidamada qarankaba.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *