Search

Dadwaynaha Gobolada Barri Oo Si Wayn U Soo Dhaweeyay Musharaxnimada Maxamed Biixi

Hargeysa (Foore) Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ee Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis ayaa soo dhaweyn weyn kala kulmay dadweynaha ku nool Gobolada Barriga Somaliland, Wasiir Biixi oo ka mid ahaa Waftigii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaayo) ayaa mudadii uu ku sugnaa Goboladaasi waxa si weyn u soo dhaweyey dhammaan Dadweynaha ku dhaqan goboladaasi, Wasiir Maxamed Biixi ayaa ka mid ah Xubnaha tartanka ugu jira Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye ee Shirweynihiisu la filayo in uu qabsomo bisha September ee soo socda, waxaanu ka mid yahay Xubnaha ugu firinfircon. Inkasta oo aanu Safarkani ahayn mid oloole ah balse haddana mudadii safarku lagu gudo jiray. Xogo Waaheen helayo ayaa tilmaamay in Madaxweyne Siilaanyo qorsheeyay sidii uu u caddayn lahaa inaanu musharaxa shanta sanno ee soo socda ahayn, islamarkaana uu damacsan yahay in wakhtiga ku haboon ee laga heshiiyo khilaafka Mucaaradka iyo xukumadda ee ku salaysan muddo kordhinta uu shaacindoono inaanu sharaxnayn, iyadoo durba Olole hoose ay Sameynayaan musharaxiinta hankooda hore u shaaciyay ee Kulmiye. Dadwaynaha ayaa si isku mid ah u soo dhawaynaya Musharaxnimada Maxamed Bixi Yoonis iyagoo u arka inuu yahay Masuul xidhiidh fiican la leh beesha Caalamka isla markaana Shaqooyin fiican ka soo qabtay Caalamka.
Dadweynaha gobolada Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo Sool ayaan u kala hadhin in ay dareen soo dhaweyn ah ku qaabilaan Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo ay sheegeen in uu ku habboon yahay in uu iska soo sharraxo xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, maadaama uu yahay shakhsi ku habboon oo khibrad iyo aqoon ballaadhan u leh maamulka iyo xidhiidhada caalamiga ah sidaa darteed ay habboon tahay in qofka meeqaamkaa lihi innaga mudan yahay in aan is barbar taagno.
Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka mid ah Musharraxiinta Illaa imika iclaamiyey in ay u taagan yihiin Hanka Musharraxnimo ee Madaxweyne ee Xisbiga KULMIYE isaga oo tartan adag la gali doona xubnaha illaa imika hankaasi iyana hore u iclaamiyey oo kala ah Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mud. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale. Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka mid ahaa waftigii uu hogaaminayay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ee dhawaan safarka ugu baxay gobolada Bari ee Somaliland.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *