Search

Dadkii Rasaasta RRU-da ku Dhaawacmay iyo Kalkaaliso Caafimaad Oo ka Xog waramay Siday Wax U Dhaceen iyo Xaaladda Dhaawac+ Dooda Wasiir Xigeenka Amniga.

Hargeysa(Foore) – Dhaawacii Shalay fiidkii ku dhaawacmay rasaas boolisku ku riday dad difaacanayay gurigooda iyo Kalkaaliso caafimaad ayaa ka hadlay siday wax u dhaceen iyo xaaladda dhaawaca hadda. dadka ayaa lagu dawaynayaa cisbitaalka weyn ee Hargeysa, iyadoo Ilma geeriyoodayna qolka Maydka yaalo

Dhibka shalay dhacay ayaa sababay dhimashada wiil da yar iyo dhaawaca shan qof, arrintaasi oo dhacday kadib markii qoys guri dhisanaya dawladda hoose amartay in la joojiyay markii dambena boolis goobta la geeyay iyo qoskii isku dhaceen.

Mustafe Axmed Maxamed oo ku dhaawacmay Rasaasta Boolisku ku furay dadka aan hubaysneyn ee shacabka ah ayaa sidan u sharaxay siday wax u dhaceen “Anagoo dhisayna gurigayaga oo aanu 24 sannadood deganayn ayay Boolisku noo yimaadeen 04:00 galabnimo, dabeed joojiya ayay yidhaahdeen shaqaaluhuna wuu rawaxay oo waa la joojiyay, kadib Aabbo ayaa loo yimid Faylkaagii keen baa la yidhi Saldhiga ayaaba la geeyay oo waa la xidhay.

Intaas kadib waxaa nalagu yidhi waxa soo socda ciidan Guriga baabi-inaya kadib guriga ayaanu ag fadhiisanay ilaa 15 Mirir kadib ayay laba xaajiyadood oo Boolis ahi noo yimaadeen markaanu ku soo dhaqaaqnayna rasaas ay hoos u ridayaan ayay nagu fureen” ayuu yidhi Mustafe.

Musfate oo hadalkiisa sii wata ayaa sharaxay khasaaraha ka dhashay rasaasta “Waxaa dhaawacmay Afar qof iyo walaalkay oo dhintay, oo toos loo toogtay, anigaba Askariga oo hal mitir wax ka yar ii jira ayaa wac igaga siiyay xabbadda waan ka gabbaday oo waan is tuuray kadib waan cararay oo waxaaban arkay iyadoo xabbadu igu taala. Waxay igaga dhacday Lugta halka Jilibka hoostiisa oo aan ka jabanahay”.

Faadumo Qaasin oo kalkaaliye caafimaad ah ayaa sidoo kale ka hadashay dhaawaca la keenay dhakhtarka “Waxaa naloo keenay 5 dhaawac ah iyo ilmo yar oo Mayd ah. Hal qof ayaa qori dabadii lala dhacay inta kalena xabad baa ku dhacday. Mustafe Axmed Jabbaan laf baa jabtay waxaa loo sameeyay qallin xalay walina dhiig ayaa socda, inan yar oo kale wuu jaban yahay, Inan darawal ahna xabad baa wali dhax taala oo qallin looma samayn. Inanka yare e dhintay Foodda ayay xabbadu kaga dhacday waxayna ka baxday xagga dambe, Maskaxduna xagga dambe ayay ka soo daadatay.” Ayay tidhi Faadumo.

Cabdiraxmaan Axmed Maxamed, oo ah 15 jir ku jira qolka gargaarka degdegga ah ayaa isna sidan uga hadlay dhaawaca soo gaadhay “Xabbaddu lugta ayay igaga dhacday. anigoo Baaskiilad wata oo wadada iskaga wata ayaan arkay askar meesha rasaas ku furaysa, dabeedna waan cararay, anigoo ordaya ayay xabbaddu igu dhacday, iyadoo xabbadu igu taala ayaanan is ogayn oo aan cararay dabeedna markii dambe ayaan dhiiga arkay oo aan fadhiistay”.

Axmed Maxamed Yuusuf, oo ah Aabaha wiilkan xabbadu dhacday ayaa isna ka hadlay arrintan waxaanu yidhi “in Inankayga xabbaddu ku dhacday waxaan ogaaday markii Saldhiga Kood-buur la geeyay, ayaa la I yidhi inankaagii xabbad baa ku dhacdaye soo carar”.

Maxamed Cabdillaahi Quulle oo isna dhaawac ah ayaa sidan sheegay “waxaanu jaar ahayn reerkan la soo weeraray, anigoo iska rogo wata ayaan arkay Maydkii inanka yar dabeedna anna waan wisiisiyay, wuxuun baana nalagu furay rasaas, xabad ayaa I dhex fadhida, lugta iyo cagtaba way igaga dhacday.,,ninkani waligiiba wuu deganaa meesha oo wuxuu ku dhalay Inanta dhashay 12 Ciyaala, markaa maaha in xaq darro lagu soo weeraro, waxaana meesha ku haysata dawladda”.

Dhinaca kale rasaasta boolisku u adeegsaday dadka shacabka ah ayuu wasiirka amniga ee arrimaha gudaha Somaliland Cabdi Daahir Camuud, ayaa ku dooday in askarta dhagax lala dhacay kadibna ay xabad nool adeegsadeen.

“Marka askarta oo amniga sugaysa dhagax lala dhaco way dhacaysaa inay Ciidamadu is difaacaan. Shilkani dhul buu ka dhacay la dhisanayay oo dawladda hoose joojisay, joojiya baa la yidhi oo hadal baa loola tagay, markii dambena dhagax ayay ku bilaabeen ciidamadii” ayuu yidhi Wasiir xigeenku.

Wasiir xigeenku wuxu intaasi raaciyay “Ninkii Guriga lahaa waa la xidhay laakiin, meeshii baa la joojin waayay, waa in amarka la qaataa, askartu magaaladaa halka milyan inta ku dhawi ku nooshahay ammaankeeda ayay sugayaan, markaa nabad galyada markaan sugayo dadku waa inay wax maqlaan…Shil markuu dhaco waa laga yaabaa in xabbadi furanto,,Askarta lafteeda ilaa 8 ayaa dhaawac ah oo dad gadoodsani dhagax la dhacay, dad gadoodsan oo is difaacayay ayaa meesha tagay”.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *