Search

Dadkii Madax-bannaanidooda Diiday: 29/06/1960 iyo Wargeysyadii Dunida!: Maxamed Baashe X. Xasan

Maanta oo kale 55 sannadood ka hor 29-kii Juun 1960, waxa Hargeysa diyaarad khaas ah ka qaatay xildhibaannadii cusbaa iyo xubnihii madaxda ahaa ee dawladdii cusbayd ee qarankii maalmaha xorta ahaa ee Somaliland. Dhawr cisho ayay ku noolloonayeen xornimadaas ay hanteen iyo aqoonsi rasmi ah oo ay beesha caalamka ka haysteen.

Cismaan Axmed Xasan (Cismaan indhoole) oo ahaa badhasaabkii ugu horreeyey ee Hargeysa ayaa ii xaqiijiyey in diyaaraddaas ay Hargeysa ka qaateen oo Muqdisho ka degeen barlamaankii iyo dawladdii cusbayd ee Somaliland ka dhalatay 26-kii Juun 1960. Cismaan laftiisa oo 26-kii Juun 1960 loo magacaabay xilkaas guddoomiyaha gobolka Hargeysa waxa uu ka mid ahaa weftigaas diyaaradda gaarka ah raacay, iyada rag badani aanay Hargeysadii laga doortay dib u soo eegin sannado badan oo maalintaas ka dambeeyey.

Maalintaas lafteeda, 29/06/1960, wargeysyada adduunka ayaa ka hadlayey arrintaas, gaar ahaan kuwa Ingiriiska oo ahaa halkii ugu horraysay ee aqoonsiga laga siiyay Somaliland. The Daily Herald Newspaper cadadkeedii maalintaas soo baxy ayaa wajahadda hore ku xambaaray maqaal ku suntanaa: DADKII MADAX-BANNAANIDOODA DIIDAY!

Waxa uu wargeysku qoray: “Axaddii ayay xor noqdeen ka dib in ku dhow 80 sannadood oo ay ku hoos jireen gumaysigii Britain. Afar cisho ka dib na, Jimcihiina, waxa ay isu dhiibeen Soomaaliya oo ay midow ugu tageen”.

Somalialnd waxa ay ahayd dal xor ah oo aqoonsi ka helay caalamka, heshiisyana kula galay dawladda Ingiriis oo ka mid ahayd xooggaggii dunida u taagta weynaa, aqoonsina siiyey Somaliland, heshiisyadaas oo waafaqsanaa xeerarka iyo axdigii caalamiga ahaa Jimciyadda Qaramada Midoobay (UN) ee qaramada xorta ah dhex mara.

Adduun Caaryaale!

Hadhow bay odhan

Lay la ma hadlinoo

Lay ma heesinoo

Doob hurday heshay!

Bal adba ka sitee!




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *