Dadka Dhimirka Qaba Ee Xaafadda State House-Ka Oo Daryeel La’aan Bisado Qashay Iyo Duruufaha Adag Ee Hoyga U Noqday Dadka Danyarta Ah Ee Xaafaddaasi

Hargeysa (Foore)- Dadka Xanuunka Dhimirka Qaba ee Xaafadda State House-ka ee magaalada Hargeysa ayaa ku sugan xaalad nololeed tii ugu liidatay Abid ee ay la kulmaan dadka Dhimirka qabaa iyada oo xaafaddaasi ay ku sugan yihiin tiro lagu qiyaasay Boqol iyo Dheeraad qof oo dhammaantood ay isugu biirtay xaalad nololeed oo aad u qallafsan iyo waliba xanuunka Dhimirka oo u dheer.
Wariye ka Tirsan Wargeyska Foore oo shalay booqasho hawleed ku tagay Xaafadda isku raranta ah ee State House-ka loo yaqaano ayaa halkaasi ku soo arkay dhibaato culus oo dadka xaafaddaasi haysata gaar ahaan waxa uu Wariyuhu u Kuur Galay dadka Maskaxda ka buka ee Xaafaddan Dan Yarta ah ku nool oo muddo badan dadka Halkaasi degani Qaylo Dhaan Culus ka soo saarayeen balse aan mar kali ah wax taakulo ah ka helin Bulshada qaybaheeda kala duwan iyo Hay’adaha Sama Falka Toona.
Wariyuhu Waxa uu Booqashadiisan ku ogaaday in ay maalin walba Xaafaddaasi ku sii kordhayaan Tirada dadka qaba Xanuunka Dhimirka iyada oo ay sababayso dhibaatada nololeed iyo Duruufaha qallafsan ee Dadkaasi ku noolyihiin. Mudadii Wariyuhu Hawshiisa shaqo ku guda jiray waxa uu la kulmay qaar ka mid ah Dadka Dhimirka qaba ee xaafaddaasi ku nool oo wakhtigaasi ku sugnaa xaalad Naxdin badan marka aad eegto Goobaha ay dadkani ku nool yihiin iyo Nolosha halkaasi ku haysata. Dhacdooyinka Naxdinta leh ee Wargeyska Foore Halkaasi kula kulmay waxa ka mid ah in laba nin oo ka mid ah dadka Xanuunka Dhimirka qaba ee Xaafaddaasi ku nooli ay maalin dhawayd Qasheen Bisad Hilibkeediina Cuneen iyada oo ay Agagaarka Goobta ay ku nool yihiin lagu arkayay Hadhaaga Dhogortii Bisadda. Mar aanu dadka xaafaddaasi wax ka waydiinay arrintan waxa ay noo xaqiijiyeen in ay Arrintaasi jirto oo aanay ahayn wax cusub ee ay wakhti kasta Gaajo darteed U dubtaan hadba Xayawaanka dhaqaaqaya ee ay qabsan karaan. “Ma Haystaan Hoy Oo Waad Aragtaa Gelgelinta Ay Jiifaan. Golgol Hadalkeed Daa, wax ay Afka Galiyaan ma haystaan oo mar mar ayay dadku wax ku soo tuurtuuraan balse ma aha wax Kafayn kara. Runtii waa xaalad adag” sidan waxa Foore u sheegay mid ka mid ah dadkii ku sugnaa Xaafadda State House-ka gaar ahaan agagaarka goobta labadan nin Hoyga u ah.
Xogta labadan nin nalaga siiyay ayaa tibaaxaysa in ay yihiin Rag walaalo ah oo aanay Jirin cid daryeel u fidisa iyada oo aanay lahayn dad ehel ah oo gacanta ku haya oo ay ehel ahaan ugu dhaw yihiin Hooyadood iyo walaashood oo labaduba iyaguna Xanuusanaya. Waa dhacdo Murugo leh oo aan ahayn Mid kali ku ah Xaafadda State House-ka Magaalada Hargeysa iyada oo wariyahayagu Halkaasi shalay ku soo arkay xaalad bani aadamnimo oo aad u liidata oo u baahan in aynu dhammaanteen Gacmaha iska qabsano inaga oo aan cidna ku hallaynayn. Xukuumadda Gaar ahaan waxa la gudboon in ay dadkaasi Xanuunka qaba si degdeg ah ugu Gurmadaan oo ay Gacan u fidiyaan si aanay dhibaatadu faraha uga sii bixin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *