Dadka Deegaankii Dhawaan Maska Weyn Lagu Dilay Oo Duurka U Galay In Ay Masas Badan Soo Ugaadhsadaan Iyagaoo Aaminsan In Hilibkoodu Caafimaad Yahay Hargahoodana Ay Iibsan Karaan

Kadib markii toddobaadkan nin u dhashay waddanka Indonesia uu dagaal muddo socday kaga adkaaday mid ka mid ah masaska adduunka ugu waaweyn inta la og yahay ayaa dadkii ku noolaa deegaanka uu ninkaasi ka soo jeeday waxa ay ku dhiirradeen in ay duurka u baxaan oo raadsadaan masaskaasi waaweyn ee jabisada loo yaqaano si ay uga takhalusaan dhibka ay ku hayaan dadka deegaanka hilibkoodana u quutaan sidoo kale maqaarka masaskaasi waaweyna uga ganacsadaan maadaama maskii dhawaan la dilay haragiisa oo kali ah ninkii soo dilay laga siistay lacago ka badan 400 oo dollar.
Toddobaadkan ayay haayd markii Warbaahinta dalka Indonesia iyo kuwa Caalamiga ahiba ay si weyn u hadleen Dad kunool Degmada Batang Gansa ee dalka Indonesia oo dilay kadibna cunay hilibkeeda Jabiso ama mas aad u weyn oo cabirkiisa lagu qiyaasay in ka badan 7.8 mitir.
Nin Waardiye ah oo lagu magacaabo Robert ayaa dagaal adag la galay maska jabisada ah, waxaanu markii dambe ninkani ku guuleestay isaga oo gacan ka helaya dadka deegaanka in ay dilaan Jabisadan weyn kadib markii ay toorriyo iyo walxo kale u adeegsadeen in ay kaga takhalusaan maskaasi dhumucda weyn leh.
Jabisada am amaskan weyn ayaa sidoo kale dhaawacyo aad u culus gaadhsiisay ninka dilay, waxaana Isbitaal lagu daweenayaa ninka la dagaalamay kadibna dilay jabisa, Dhaqaatiirta ayaana sheegay in ninkan laga jarayo mid kamid ah gacmihisa oo dhaawac culus soo gaadhay markii uu la xarbiyayay maskaasi. Arrinta sida weyn loola yaabay loona hadal hayo ayaa ah in dadka kunool deegaanka Jabisada lagu dilay in ay meel ku xidheen iyada oo meyd ah kadibna jar jarteen hilibkeeda kana dhigteen hilib muqmad ah oo ay cunaan halka ay harageedii iibiyeen oo ninkii isagu maskaasi dilay si gaar ah loo siiyay lacagtii maqaarka maskaasi. Ninka dilay Jabisada oo la hadlay Warbaahinta dalka Indonesia ayaa sheegay in markii uu arkay isku dayay in uu qabto balse ay qaniintay, waxa uuna intaa raaciyay in markii dambe uu la dagaalamay ilaa uu ka dilo jabisdaaasi.
Waxa uu sheegay ninkan sababta ku khasabtay in uu jabisadaasi dilo in ay aheyd dadka kunool deegaanka oo muddo badan ka cabanayay in ay jidka ka mari waayeen sidaasna uu ku go’aansaday in uu dilo jabisadaasi aadka u weyn. Dadkii cunay hilibka jabisada ayaa qaarkood laga soo xigtay in hilibkeedu uu ahaa mid aad u macaan badan, waxa ayna dadka qaarkood ayba aaminsan yihiin in dhiiga Jabisada laga helo caafimaad weyn. Waxa kale oo ay aaminsan yihiin in harageeda laga iibsanayo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *