Dadaalo Koox Ganacsato Iyo Siyaasiyiin KULMIYE Taageeraa Ugu Jiraan Sidii Ay Hab Beelaysan Xisbiga WADDANI Uga Soo Fujin Lahaayeen Qaar Ka Mid Ah Siyaasiyiin Ay Musharrax Muuse Biixi Isku Hayb Yihiin

Liis Uu Ugu Horreeyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Koox KULMIYE Taageertaa Waysada U Biyaysteen Sidii Ay Faro Dufan Leh Uga Soo Ugaadhsan Lahaayeen Xisbiga WADDANI + Dadaalka Xukuumadda Ee Abaabulka Kooxaha Waji Ku Macaashka Loo Abaabulo Oo Meel Sare Maraya Wakhti Mucaaradad Xooggani Fadhiga U Diidday KULMYE

Hargeysa (Foore)- Siyaasiyiin iyo ganacsato taageerta Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa maalmihii ugu dambeeyey si weyn ugu mashquulsan sidii iyo qaabkii ugu habboonaa ee loo soo xero galin lahaa iyada oo qaab beelaysan loo marayo siyaasiyiin iyo xildhibaano miisaan ku leh xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI kuwaasi oo dhammaantood deegaan ka soo wada jeeda iyada oo jihooyinkaasi tab iyo xeelad kasta isugu gayn lahaayeen sidii ay xubnahaasi uga soo jiidi lahaayeen Xisbul Mucaaridka WADDANI oo maalmihii ugu dmabeeyey qaaday tallaabooyin uu ku dardar geliyey awooddiisa xisbinimo taasi oo werwer ku abuurtay xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa oo iyana sidaa ku bilaabay olole ay ku wajahaan WADDANI.
Ilo Wareedyo u dhuun daloola dhaqdhaqaaqyo labadii wiig ee ugu dambeeyey ka dhex socday Xisbiga KULMIYE oo wargeyska Foore helay ayaa tibaaxaya in ganacsade caan ah oo taageera xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE iyo gaar ahaan Musharraxa Muuse Biixi Cabdi iyo xubno la jaal ahi ay abaabulayeen kulamo hoose iyo shir doceedyo lagu gorfeeyey laguna bisleeyey qorshayaashii lagu soo qaban lahaa loona soo hal halaysan lahaa xubno Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ka mid ah oo ay ka mid yihiin: Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Bashiir Tukaale, Marwo Faadumo Siciid iyo Mujaahid Axmed Cabdilaahi Xaaji Cumar oo Xamarje loo yaqaano iyo xubno kale oo dahwr ah oo dhammaantood ka mid ah xisbiga WADDANI.
Inkasta oo qaar ka mid ah xubnahan si toos ah loola xidhiidhay oo lo shukaaminayo sidii ay uga digo rogan lahaayeen xisbiga WADDANI haddana dhammaantood wali lalama wada xidhiidhin balse qorshaha ayaa lagu darsay in lagu abbaaro abaabul la xidhiidha dhinaca haybta iyo deegaamada ay ka soo jeedaan oo loogu baaqayo in ay hayb ahaan ku taageeraan Musharraxa Xisbiga KULMIYE. Wararkani waxa ay tibaaxayaan in Xubno uu ka mid yahay Xidlhibaan Siciid Cilmi Rooble lagula kulmay kulan dalka dibaddiisa ka dhacay balse xubnaha kale ee liiskan ku jira qaarkoodna lagula kulmay Hargeysa kuwo kalena maalmaha soo socda gulufku ku jihaysan yahay.
Kaambaynka lagu hal halaysanayo xubnaha deegaan ahaan ka soo jeeda beesha Subulaha Illaa Saaxil eek u jira Xisbiga WADDANI ayaa lagu beegayaa marxaladda ka dhalatay kadib shirweynihii Golaha Dhexe ee xisbiga WADDANI, si tabashada qaar ka mid ah madaxda WADDANI ee ku aaddanaa shirkaasi gaar ahaan xubnaha la fikirka ah Axmed Muumin Seed loogu beego kaambaynkaasi bulshadana loogu tuso garabyo ka dhex dillaacay xisbiga WADDANI.
Xubnaha ay ka mid yihiin Marwo Faadumo Siciid, Xildhibaan Tukaale iyo Mujaahid Xamarje ayaa dhammaantood ah xubno mucaaradad xooggan muddo badan kula jiray xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa si weyna uga dhex muuqday xisbigooda WADDANI, illaa imikana lama oga halka uu dadaalka kooxda KULMIYE ku dambayn doono ee xubnahan lagu wajahayaa iyo sida ay uga midho dhalin karaan ama ugu hungoobi doonaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *