Dad Somaliyeed Oo Banaan Bax Ay Uga Cabanayaan Midab Tagoor Ka Dhigay Dalka Norway

Norway (Foore)- Dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Trondheim ee bartamaha wadanka Norway dibadbax ay kaga cabanayaan carruurta dhawanahan lagala wareegay iyo sidoo kale wax ay ku sheegeen midab-takoor lagu hayo dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan magaaladaas.

mid ka mid ah xildhibaanada laga soo doorto magaalada Trondheim oo lagu magacaabo Ismaaciil Muxuyaddiin ayaa sheegay in xildhibannada magaalada ay si weyn ugu soo horjeedaan midab-takoorka ka dhanka ah dadka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Ismaaciil Muxuyaddiin ayaa sheegay in arrintaan loo gudbin doono xukuumadda sare si wax looga qabto taas oo lagula kacay dadka Soomaaliyeed ee ku nool wadanaasi Norway.

Dhanka kale xildbaan Ismaaciil waxa uu ku nuux nuuxsaday in ay sidoo kale dowladda hoose ee magaaladaasi Trondheim kala hadli doonaan falalka carruurta loo gala wareego waaliddiinta Soomaaliyeed.

Haweeney Soomaaliyeed oo ka hadashay bannaanbaxa ayaa sheegtay in saddex carruur ah dhowaan lagala wareegay, waxayna sheegtay in aan loo sheegin sababta keentay in carruurteeda lala wareego.

Dibadbaxa ay dhigayaan qaar ka mida soomaalida ku dhaqan magaalada Trondheim ee bartamaha wadanka Norway ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu weynaa oo ay dad Soomaali ah dhigaan, waxaan ay dibadbaxayaasha socod ku tageen xarunta booliska magaalada Trondheim.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *