Search

Daawo Sawirada:Wasiir Hore Maaliyadda Somaliland Oo Casuumada La Isku Arkay Caawa Afur Ugu Sameeyay Hoteel Maansoor Qurbajoog Reer Allaybaday Ah.

Hargeysa(Foore) – Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa caawa fiidkii is xog waraysi ah ugu sameeyay Hotel Mansoor ee Magaalada Hargeysa Qurbajoogta Degmada Allaybaday oo ka soo quryo noqotay wadamo badan oo ka tirsan Qaaradaha Aduunka.
11748819_10152840500166568_665114478_n
Ka sokaw Qurboogta ,waxa kulankan ka soo qayb galay Aqoonyahano,Siyaasiyiin iyo wax garad kale,waxaanu ugu horayn wasiirku halkaasi ku siiyay xogo dhinacyo badan taabanaya oo ku saabsan hanaankiisa geedi socod ee dhinaca siyaasada iyo hankiisa musharaxnimo ee Tartanka Musharaxa Madaxweyne Xisbiga kulmiye oo uu hore u iclaamiyay,waxa uu u sheegay inuu rajo wayn ka qabo inuu guul ka gaadho hankiisa siyaasiga ilaa imikan marba marka ka dambaysa ay wax u sii siyaadayaan ,isagoo carabka ku dhuftay in bulshada Somaliland Qurbo iyo dibadba ay aad u danaynayaan musharaxnimadiisa,iskuna kalsoon yahay.
11741813_10152840498806568_1619427827_n
Dhinaca kale waxa iyaguna kulankaasi hadalo ka jeediyay Qaar ka mid ah Qurbajoogtii kulankaasi lagu macsuumay iyo Aqoonyahankii kale ee ka soo qayb galay waxaanay si wada jir ah ugu muujiyeen taageero maal iyo muruqba leh oo ay la garab istaagayaan wasiirkii hore ee Maaliyada Somaliland Md Cabdisiis Maxamed Samaale si uu guul uga gaadho hankiisa siyaasiga ah,waxa kale oo ay ku amaaneen guulaha muuqda ee siyaasadeed ee uu kasbaday intii uu Wasiirka Maaliyadda ahaa kuwaasi oo ay ku sheegeen inuu shacabka Somaliland gudo iyo dibadba ka kasbaday amaan iyo bogaadin hore loogu jeediyay sidii uu qaranka Somaliland yidiilaha dhaqaale ugu sameeyay ee uu u gaadhsiiyay dhaqaalaha iyo miisaaniyada dalka oo ay ku sheegeen mid aan la ilaawin doonin boqolka sanno ee socda.

Daawo Sawiradda.
11737125_10152840500106568_563487333_n11741685_10152840499896568_523020620_n11741813_10152840498806568_1619427827_n11741813_10152840498806568_1619427827_n11748819_10152840500166568_665114478_n11749280_10152840498531568_102891538_n11737008_10152840499751568_179758281_n11733441_10152840498931568_601095141_n




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *