Search

Daawo Sawirada” Kenya Oo Soo Bandhigtay Meydadka Rag Ka Tirsan Al-shabaab Oo Ay Ku Jiraan Ajaanib Cadaan Ah.

Kenya(Foore) – Saraakiisha Ciidamada Amaanka Kenya ayaa soo bandhigay Meydadka Dagaalyahaano ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jiraan Rag cadaan ah.

Dagaalyahaanada Meydkooda lasoo bandhigay ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay weerareen saldhig ciidan oo ku yaala gobolka Lamu ee dalka Kenya ee dhaca dhulka Xeebta ah, isla markaana ku dhaw xadka Soomaaliya.

Kenya ayaa sheegtay inay tiro ahaan Raga ka tirsan Al-shabaab ay gaarayaan ilaa 11 Dagaalyahaano oo ku hubeysnaa Hubka noocyadooda kala duwan.

Korneel David Obonyo oo dilalka Dagaalyahaanada ka hadlaayay ayaa sheegay in kuwa ay dileen ay gaarayaan 15 dagaalamayaal 11 ay dileen inta uu dagaalka socday, halka afar kale iyaga oo dhaawac ah ay galeen kaymaha laguna raadjoogo.

Goobta lagu soo bandhigay Meydadka Dagaalyahaanadaani ayaa waxaa ku sugnaa Saxaafada madaxa-banaan oo iyadu marqaati looga dhigaayay dilka Dagaalyahaanada.

Saraakiisha Ciidamada ayaa aaminsan in qaar kamid ah Dagaalamayaasha la dilay ay horay uga soo qeybqaaten weeraradii lagu qaaday magaalo yar oo ku tala xeebta taasoo la yiraahdo Mpeketoni, waxaana ay ku dileen 48 qof kuwaas oo badanood fiirsanayeen ciyarihii Adduunka ee ka socdey dalka Baraasiil.

Dagaalamayaasha Kooxda Al-shabaab goobta dagaalka looga dilay ayaa waxaa ka dhex muuqday 2 Dagaalyahaano oo u muuqaal ek Cadaan.
waj2waj3waj1




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *