Search

Daawo Madaxweyne Obama Oo Ka Hadlay Ciidamo Uu U Soo Diro Somalia & Qaraxii Al-jazeera Hotel-Muqdisho.

Adis-Ababa(Foore) – Madaxweyne Barack Obama oo booqasho ku maraya dalalka geeska Afrika, gaar ahaan Itoobiya oo hadda uu ku sugan yahay ayaa waxuu sheegay inaan maamulkiisa diyaar u aheyn inuu ciidamo u soo dio Somalia xiligan, taas badalkeedana ay ku filan yihiin la dagaalanka kooxaha Al-Shabaab ciidamada ka socda AMISOM ee Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Burundi.
Obama ayaa hadalkan ka sheegay shir shir jaraa’id oo ay maanta si wadajir ah u wada qabteen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, wuxuuna sidoo kale uu ka hadlay qaraxii shaley Al-Shabaab ay ka geysteen Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.
“Qaraxii shaley ee Muqdisho, wuxuu na xusuusinayaa in ururka argagixisada Al-Shabaab howshiisu tahay in uu wax dilo waxna burburiyo, waxaa loo baahan yahay in arintaasi la istaajiyo, si taa loo sameeyana waa inaan dadaal dheeraad ah la imaano, todobaadkii hore ciidamada Itoobiya ayaa gacan ka geystay in lagala wareeego lab goobood oo ay ku xooganaayeen, cadaadiskaasi waa inaan sii wadnaa” ayuu yidhi Madaxweynaha Mareykanka Obama oo amaanay doorka ciidamada Itoobiya ee Somalia.

Warkaas oo faahfahsan halkan ka daawo:




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *