Search

Daawo Ehelada Qoyskii Ciidanka Bilaysku Gumaadka U Gaysteen Shalay Oo Mudaharaad Ka Dhigay Cisbitaalka Hargeysa Oo Ay Yaaliin Dhaawicii Iyo Meydka Wiilkii Yaraa.

Hargeysa(Foore) – Daawo Ehelada Qoyskii Ciidanka Bilaysku Rasaasta ugu gaysteen dhaawaca iyo dhimashada ayaa saaka ka hor mudaharaaday Cisbitaalka Weyn ee Magaalada Hargeysa oo ay yaaliin Meydka wiilkii dhintay iyo Carruurtii kale ee dhaawacu soo gaadhay waxay ku qaylinayeen oo ay dalbanayeen in cadaalada la horkeeno raggii laayay Ubadka gurigooda lagu weeraray Shalay,Arintaasi oo ay ka argagaxeen dhamaan shacabka Hargeysa ku nooli.
waxa mudaharaadan ka dhex muuqday Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen oo isku dayay inuu dadkaasi dejiyo kuna qanciyo in cadaalada la horkeeni doono Askar ku sheegii ubadkaasi gurigooda ku weeraray ee ficilka Axmaqnimada ah sameeyay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *