BREAKING NEWS
Search

Daawo Dooddii Xiisaha Badnayd Ee La Sugayay Ee Star Tv U Qabtay Saddexda Gudoomiye Ee KULMIYE,WADDANI Iyo UCID Iyo Dareemada Ka Soo Dhex Baxay.

Hargaysa(Foore) – Guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran ee Somaliland ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI – Faysal Cali-waraabe, Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) – ayaa markii ugu horreysay isku waajahay dooddii ugu adkayd oo ku salaysan khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo-kordhinta Guurtidu u sameeyey xukuumadda Siilaanyo iyo Golaha Wakiillada iyo dhammaadka muddo-xileedka Madaxweyne Siilaanyo ee shantii sanno ee la doortay oo ku eg 26-ka June 2015-ka oo ku beegan Jimcaha Berri.

Doodan oo uu soo qaban qaabiyay Telefishanka Star Tv isla markaana uu daadihinayay Weriye Xamse Cali Bulbul ayaa Hogaamiyeyaasha Axsaabta Qaranku waxay is dul taageen Asbaabaha Khilaafka Siyaasadeed ee Marba Wejiga qaadanaya ee ka taagan Somaliland kaas oo gun dhigiisu yahay Go’aankii Mudo Kordhinta Golaha Guurtida.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *