Daahir Rayaalle Oo Dalka Soo Gaadhay, Kana Hadlay Shirka London, Dagaalkii Buuhoodle, & Khilaafka Xisbiga Udub

‘Kuma taliyeen in laga qaybgalo shirka London’ 

‘Cidda ka qayb gasha ayaa khayr iyo sharba lagala xisaabtami doonaa’

 

Hargeisa (Foore) Madaxweynihii horre ee jamhuuriyadda Somaliland mudane Daahir Rayaalle Kaahin ayaa maanta ka soo degay gagidda diyaaraduhu ka haadaan ee Egal International airport ee magaaladda Hargeysa.

Madaxwaynihii Hore ee somaliland oo hadal kooban warbaahinta kusiiyay gurigiisa ayaa marka hore waxa uu u mahadnaqay bulsahdii sida wayn u soo dhawaysay Waxaanu Yidhi: ‘Waxaan U mahadnaqayaa dhamaan dadka reer somaliland ee ka qayb qaatay soo dhawayntayda, waxaanan u rajaynayaa dalka horumar iyo barwaaqo’

 

Mudane Dahir Rayale oo ka hadlaya sababta haatan dalka uu u yimid wuxuu yidhi ‘ Horta waan iman karaa waanan maqnaan karaa dalka, arimaha xisibiga udubna waan dhamayn doonaa, xisbiga udubna waan isku keenaa talana waanu ka yeelan doonaa arimiha xisbiga, oday reer somaliland ahn waan ahay  oo dlaka wixii talo ah ee dalkani iiga baahdana waan ka qayb qaadan doonaa.

 

Madaxweynihii horre ee Somaliland Mr Rayaalle, waxa uu sheegay in shirka london aanay haboonaayn in laga qayb gallo shirka london waxana uu yidhi “ kuma aan taliyeen in laga qayb gallo shirka london Kaman qayb galayno laakiin maanta cidda ka qayb gasha ayaa khayr iyo sharba waxay ka keenaan lagala xisaabtami doonaa”.

 

Daahir Rayaalle sidoo kalle waxa uu ka hadlaya dagaalkii ka dhacay buuhoodlle, waxana uu yidhi “dagaalku marnaba ma fiicnaa waxana aan ku talin lahaa in la joojiyo”. Waxana uu intaasi ku daray in uu ka xun yahay dagaaladii ka dhacay Buuhoodlle.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *