BREAKING NEWS
Search

Daahir Rayaale Oo Koomishanka Doorashooyinka Iyo Madaxweyne Siilaanyo Ka Codsaday In Dib Loogu Dhigo Doorashada Deegaanka Si Kedis Ahna Ugu Dhoofay Faransiiska

Hargeysa (Foore)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Daahir Rayaale Kaahin ayaa qoraal rasmi ah oo uu ku dalbanayo in dib loogu dhigo Doorashada Golaha Deegaanka muddo laba toddobaad ah u qoray Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
Daahir Rayaale waxa uu sabab uga dhigay Codsigiisa dhawaaqii Guddida Diiwaangelinta ee ahayd inaanu Cali warancade Musharax Madaxweyne u ahayn “ Komishanka Doorashooyinka waxa aanu ka codanaynaa inay muddo laba Toddobaad ah dib noogu dhigaan Doorashada Golaha Deegaanka si aanu uga soo kabano dacaayadii ay Guddida Diiwaangelintu nagu samaysay” ayuu yidhi.
Qoraalkana waxa xaqiijiyay Ilo wareedyo muhim ah oo xogtaasi maanta ka helay Daahir rayaale Kaahin, sidoo kale waxa ay Ilo wareedyadaasi sheegayaan in isla maanta Daahir rayaale Dalka ka baxay oo uu u duulay Dalka Faransiiska oo ay Carruurtiisu degan tahay.
Qoraalka Daahir Rayaale ayaa muujinaya in Xisbigii UDUB hawada ka baxay oo uu ka hadhayo tartanka Doorashada ee la filayo sadex bilood gudahood inuu ku qabsamo.
Guddoomiye Daahir rayaale Kaahin waxa uu Maareyn kari waayay Khilaafka Ragaadiyay Xisbiga oo uu isagu intiisa badan sabab u ahaa, waxaanay xogo dheeraad ahi sheegayaan kooxdiisii ugu danbaysay ee Cali warancade, Cawil Cali Ducaale iyo Siciid Sulub inay ku kala jabeen taladii ugu danbaysay taasina ay sababtay inuu Dalka isaga baxo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *