Cusbitaalka Weyn ee Hargeysa oo la Ciir Ciiraya Taandhooyin Tiradbadan oo laga Dhex Dhisay Iyadoo Dhismihiisii Horeba qabyo yahay.

Hargeysa [foorenews] Jan-23-2013-Cusbitaalka guud ee Hargeysa ayaa la ciir ciiraya taandhooyin laga dhex dhisay gudaha Cusbitaalka oo loogu talo galay in waadh ahaan loogu dhigo qaliin lagu samaynayo dadka faruuran iyo dadka dabku waxyeelada u gaystay. Qaliinkan waxaa fulinaya dhakhaatiir ajaanib ah oo sanadkiiba halmar yimaada Somaliland.
Qaliinkan ayaa ah mid bilaash ah oo aan dadka qaliinka lagu samaynayo waxba laga weydiinayn waana markii ugu horaysay ee dhakhtarka guud ee Hargeysa uu fuliyo qaliin noocan oo kale ah. Arintan ayaa waxay sababtay in dadbadani iskaga yimaadaan daafaha Somaliland iyagoo kuyuu dheer ugalay ka mid noqoshada dadka samalkan loo samaynayo.
Maamulka Cusbitaalka guud ee Hargeysa ayaan marnaba ka fikirin culayska ka iman doona dadka qaliinka lagu samaynayo iyo u diyaarinta goobihii waadh ahaan la dhigi lahaa, waxaanay keentay in imika uun ay ka fikiraan arintan iyagoo taandhooyin tiro badan ka dhex taagay cusbitaalka gudihiisa.
Nidaam la,aanta ka dhex taagan cusbitaalka guud ee Hargeysa ka jirta ayaad ka dareemaysaa buuqa iyo sawaxanka ka dhex aloosan cusbitaalka iyadoo aan la samayn nidaamkii lagu qaabililahaa arintan cubitaalku doorkan marti galiyay, waxaanay arinta qaawisay xigmad darida ka jirta cusbitaalka iyo wasaarada caafimaadka oo arintani ka bixinayso taasoo sababi karta in xukuumadu talaabo ku haboon ka qaado wax ka badelka cubitaalka guud ee Hargeysa.
Taandhooyinkan laga dhex dhisay gudaha cusbitaal ayaa boog maamul xumo ku noqonaysa xukuumada Somaliland iyo masuuliinta loo igamaday cusbitaalka iyadoo dhismayaal badan oo cusbitaalka gudihiisa ku yaalaa qabyo yihiin,qaar kood ay ubaahan yihiin oo kaliya daaqado iyo albaabo kaliya.
Waxaa cidhiidhi galay bukaankii hore uyaalay cusbitaalka iyagoo ku neef qabatoobay taandhooyinka laga dhisay daaqadihii ay ka neefsan jireen waxaana dhacday markii culayskani uu yimid cusbitaalka in bukaan badan eheladoodii ka daad guraystaan.
Cusbtaalka guud ee hargaysa ayaa maalinba maalin ka danbaysa ka sii xumaanaya waxaana jirta in lacago badan oo lagu caawiyaa meelo kale maraan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *