Cudurkii Filanwaa

W/Q Aadan Makina
Kuusow wuxuu ahaa wiil xarrago badan dhalinyaronimadiisii; inkasta oo uu qooqanaa, haddana hablaha iskagama dhici jirin. Taxadar iyo feejignaaan, degganaansho iyo qunyarsocodnimo, aftahannimo iyo sheeko macaani ayaa ka mid ahaa calaamadaha lagu yaqiin. Wuxuu ahaa baarri yar iyo waayeelba u tura. Waxaa lagu yaqiin xoog iyo itaal dheeri, xarrago iyo labis wacan, salaaduna kama tegi jirin. Haddaad eegto muuqaalkiisa, waa ragga ka dhex muuqda goobaha lagu jimicsado ama jirka lagu dhiso. Bidhaantiisa keliya ayaa cajebisa dumarka guur doonka ah siiba kuwa tirada badan ee ku nool galbeedka ee loo yaqaan ‘single mothers’. Waa dumar aan la qabin oo haysta carruur.

Hablahani Soomaaliyeed ee lagu soo daadgureeyay Mareykanka ayaa ahaa kuwo la furay ama ragoodii la dilay ama iskood u geeriyooday, kadib dagaaladii sokeeye ee ka qarxay Geeska Afrika sannadkii 1991. Mid waliba waxay muujinaysay hannaan quruxsan sifa mar uun ay u hesho nin u qalma oo la koriyo ubadka.

Kuusow guri kasto cagta uu dhigo wuxuu kala kulmi jiray martiqaad xoogan, heeso dabacsan, maaweelo aan kala go’ lahayn, qosol iyo maamuus, cunto macaan, iyo ayadoo hablaha u kala tartamaan hanashadiisa. Dabcan nin kasta wuxuu leeyahay habdhaqan ugaar ah. Kuusow wuxuu u martiyi jiray Owliyo oo cabbaar u jirtay halka uu deganaa iyo kuwo kaloo tiro badan. Waxaa shukaansaday Malyuun, Coleey, Istarliin, Baarliin, Kutubeey, Barwaaqo iyo weliba ina adeertiisa Fellis. Intaaso hablood kuma uusan arag mid u qalanta. Guri kasto uu galaba waxaa ka dhexdhawaaqi jiray heesooyiin macaan oo ay qaadayeen hoboladii caanka ahaa sida Sulfa, Maxamed Saleebaan tubeec, Sahra Axmed Jaamac, Kiinsi Aadan, Cabdi Tahliil Warsame, Cumar Dhuule iwm. Wax kastoo lagu qanciyaba, Kuusow ujeedadiisa ma ahayn inuu faraha la galo gabadh ilmo haysata. Wuxuu u hanweynaa gabadh ay isla soo koreen oo ku nooleyd magaalada Xamar berisamaadkii. Waa Ambiya Qoordheer.

Kuusow iyo Ambiya waxay wada dhigteen hal dugsi Qur’aan burburkii kahor; waxay ahaayeen deris; labadooda waalidna waxay ahaayeen qaraabo iyo saaxiibbo. Kuusow wuxuu go’aansaday inuu guursado Ambiya inta goori goor tahay. Intuusan Afrika u ambabixin ayuu sannad idil tumaayey labo shaqo. Wuxuu isku mushquuliyay lacag uruuris iyo dadaal dheeri ah. Habeen iyo dharaar ayuu teleefoonka kula hadli jiray Ambiya. Ayadana waxay ku riyoon jirtay habeenka ay aqal geli heesta loo qaadi doono oo ahayd “hibo iyo ducaba naga hooya” iyo weliba “calaf lama dago lama diidi karo waa deeq Ilaah”.

Waa labo hagaag ku heshiiyaye dooqoodaa isku keenay. Markuu sannadkii u dhammaaday ogaadayna inuu uruursaday lacag ku filan, ayuu Kuusow goostay tigidh diyaaradeed iyo weliba wax iibsi. Kabo nooca casriga ee loo yaqaan Nike, Reebok, Adidas, dhar caddaan iyo carbeed, barafuuno, iyo waxa dumarka lagu qurxiyo ayuu labo boorso ka buuxshay. Dabadeedna maalintii duulimaadka la gaadhay ayuu u kicitimay garoonka diyaaradaha ee baaxadda weyn ee New York-waana halkii uu deganaa muddo toban sannadood ah. Waa garoonka loogu magacdaray Madaxwynihii hore ee Mareykanka ee la odhan jiray J.F. Kennedy. Tigidhkii ayuu dhiibtay mar allaale markuu yimid xafiiska laga maamulo shirkadda diyaaradaha ee American Airlines ee marka lasoo gaabsho loo qoro AA.

Ambiya xilligani waxay ku sugantahay magaalada Neyroobi ee ah caasimadda dalka Kiiniya. Waxay degantahay mid kamid ah hudheelada ugu qaalisan magaalada Neyroobi. Qarashkeeda waxaa hore looga baxshay New York. Waxaa intaasi u sii dheer gaari qaali ah oo laga soo kireeyay shirkadaha baabuurta raaxada ijaara. Wuxuuna ahaa baabuur nooca loo yaqaan Renault ee lagu farsameeyo Faransiiska. Muddo toddobaad ah ayaa Ambiya lagu qurxinaayey goob ay leeyihiin gabdho Hindi ah, waana goobaha loo yaqaan beauty salon. Kuusow markuu soo marayo magaalada Qaahira ee waddanka Masar, ayuu soo laliyay teleefon. Waxaa ka qabtay Ambiya. Wuxuu u sheegay inuu ku soo wajahanyahay Neyroobi muddo lix saacadood ka dib. Dhammaan eheladiisa iyo saaxiibadiisa ayaa isasoo dhoobay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport sifa ay usoo dhoweeyaan. Tiro badanoo shaxaad doon ah ayaa ka dhexmuuqday garoonka.

Waxa la sugaba waxaa garoonka soo cagadhigtay diyaarad baaxad weyn. Ambiya oo aad moodo boqoraddii Bilqiis ahayd ayaa loo xilsaaray soo dhoweynta Kuusow. Diyaaradii ayaa albaabada loo furay. Hal mar ayaa waxaa ka soo yaacay dalxiisayaal, khubaro, safarreey, madax dawladeed, caruur iyo waayeel. Dhammaantood waxaad moodaa in abidkood aysan arag dhibaato adduun. Kuusow wuxuu ahaa qofkii 105 ee soo dega. Waalidkiisa ayaa u tilmaamay Ambiya muuqaalka Kuusow. Wuxuu ahaa nin dheero dhisan, midabka maadhiinka leh, laafyo qurux badano dhoolo caddeynaya. Ambiya waxay isku martay Kuusow intuusan waalidkiisa gacanta la gaadhin.

Waxaa meeshi ka dillaacay mashxarad iyo oohin is dabajoog ah. Dabadeed waxaa laysku guray kolonyo baabuur ah waxaana loo kicitimay hudheelkii Ambiya deganeyd. Gabbalka intuusan dhicin ayuu Kuusow kala qaarijiyay wixii shaxaad doon ahaa. Waxaana lagu ballamay in meherka iyo arooska la qaban doono isla maalin-waana saddex maalmood kadib. Qayilaad iyo quraafaad ayaa socday dhowrkaasi maalmood. Arooska wuxuu dhacay habeen dayaxa uu ahaa shan iyo tobnaad. Waxaana laysugu tagay hool weyno kudhexyiil hudheelka oo laga baxshay lacag badan.

Waxaa habeenka arooska lasoo ijaaray koox muusikada tunta, baabuurro tiro badan, cuntadana waxaa diyaariyay maqaaxida “ Geeska Afrika” oo ku tiil xaafadda Eastleigh ee ay Soomaalida ku badantahay. Waxaa gabadha meheriyay Sheekh Macoow oo caan ka ahaa culimada Soomaliyeed dhexdeeda.

Todobo habeen iyo todobo maalmood ayaa la damaashaadaayey. Intii damaashaadku socday, cid gaajo ku seexatay wey yarayd. Arooskii kadib waxaa isku dhamaaday buuqii iyo sawaxankii. Labo todobaad kadib intuu Kuusow la dardaarmay waalidkiis, walaalahiis, iyo gacalladiisa Ambiya, ayuu dib ugu soo laabtay magaalada New York illeyn fasaxii baa kadhamaadaye. Wuxuu ku so laabtay New York. Dadkii uu jeclaa ee uu kaga soo tagay Neyroobi ayuu mid mid u soo wacay. Wuxuu xaaskiisi cusbaa u dalbay fiiso ay kutimaado Mareykanka. Muddo kadib, Kuusow waxaa kuso booday xanuun uusan hore uqabin. Feerihii ayaa isku dumay; wuxuu dareemay daal xad dhaaf ah, dhidid fara badan habeenkii, iyo dhadhanka cuntada oo ka lumay. Wuxuu u tegay dhakhtarkiisa waxaana lagu sameeyay baaritaan adag. Waxaa laga baadhay cudurada dilaaga ah ee maleeriyada, qaaxada, sonkorowga, dhiig karka iyo kuwo kale oo faro badan. Jawaabtii sheybaarka waxay soo celisay inuusan qabin intaasi oo cudur.

Usbuucii labaad ayuu ku noqday dhakhtarkiisa waxaana lagula taliyay bal in mar kale laga qaado dhiig sifa loo ogaado waxa sidaasi u galay. Labo maalmood kadib ayaa jawabtii lahelay. “Saaxiib waxaad qabtaa cudurka AIDS-ka”, ayuu dhakhtarkii ku wargeliyay Kuusow. Hal mar ayaa Kuusow lagu soo booday. Dhowr daqiiqadood ayuu miyir beel ahaa. Markuu soo miyirsaday kadib ayaa waxaa dood dheer dhexmartay asaga iyo dhakhtarkiisi. “Goorma kuugu dambeysay ee aad gabadh la seexato”, ayuu dhakhtarkii weydiiyay Kuusow. “Labo bilood kahor”, ayuu Kuusow ugu jawaabay. “Tumey ahayd gabadhu”, ayuu haddana dhakhtarkii weydiiyay. “Waa xaaskeyga oon kasoo guursaday Neyroobi, Kiiniya,” ayuu Kuusow kujawaabay. “Haddaba ayadaa cudurka kugu ridday ama ku qaadsiisay”, ayuu dhakhtarkii hadalkiisa kusoo gebagabeeyay.

Waxaa Kuusow loo qoray dawooyiinka loo yaqaan anti-retroviral drugs oo ka caawiya la dagaanka jeermiga faraha kulul kuhaya caafimaadkiisa. Intuusan gurigiisa tegin, ayuu Kuusow ka wacay xaaskiisa Ambiya telefoonkiisa gacanta. Sheeko kuma uusan furfurine, waxaa un keliya uu usheegay inay tagto rug caafimaad oo kutaal Neyroobi. “Haa xabiibi, anigaaba balan ku leh halka aad ii direyso”, ayey Ambiya si asluub ku dheehantahay ugu jawaabtay gacalkeeda.

Ambiya waxay tagtay halkii Kuusow u diray sifa laf iyo maqaarba loo baaro. Baaritaan dheer ayaa lagu sameeyay. Kadibna waxaa loo sheegay in lagu soo wargelin doono muddo dhow. Waxaa kasoo wareegtay saddex asbuuc markii warqad looso diray loona sheegay inay qabto cudurka dilaaga ee AIDS-ka. Gabadhii way qarracantay waxayna gashay sariir. Habeen iyo dharaar waxay ku heesi jirtay “haddii aanay xabashiyey xoolaha lamaaliyo tahay dawlad xor ah, calankaa idiin xidhan Afrikada laheeryahay midka idin xasuuqe xulufada lahaysto, Xaayle maad iska qabataan”, iyo weliba “hooy hooy Amxaaroy, inaan hadhay imoodaye, hadda waa ikano, haddaba waa anigu”.

Kuusow markuu ogaaday xaaladeeda siday tahay ayuu ka wareystay sidii cudurka AIDS-ka ay ku qaadday. Ambiya oo Kuusow u warrameysa ayaa waxay tiri, “habeen habeennada kamid ah aniga iyo saaxiibtay Mulki oo kasoo adeegannay dukaan agtayada ahaa, ayaa waxaa dhexda naga helay askar Itoobiyaan ah. Xoog ayey nagu kaxeysteen, waxayna nageysteen guri mugdi ah oo aanan hadda kuu tilmaami karin illeyn xilligu gudcur buu ahaaye, dabadeedna waa ay na faro xumeeyeen”.
Kuusow iyo Ambiyao waxay geeriyoodeen sannadguuradii koowaad maalintii ay aqal galeen oo kale ayagoon dib dambe ukulmin ubadna kala helin.

Aadan Makina
WardheerNews
Email:adan.makina@gmail.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *