Cudurka Mindhicirrada Kacsan (Irritable Bowel Syndrome)- Xanuun Ay Dad Badani Ka Cawdaan Balse Aanay Xaqiiqadiisa Aqoon – Dr. Cabdilaahi M. Mahdi

Ma isku aragtay calool Casiraad aad u baahan tahay inaad saxarootid si xanuunku kaaga yaraado?, ma leedahay hawo badan oo caloosha ku dhex meeraysa iyo dhuuso badan?, saxarada oo marna adag marna shuban ah weliba ay la socdaan wax sidii malaxdii oo kale ah?, Intaa ma kuu raacsan tahay daal, dhabar xanuun, caajis badan iyo kaadi habeenkii ku qabata?, xanuunkani ma kugu daran yahay xilliyada aad leedahay welwel, diiqad, fakar badan ama cuntid cunnooyinka qaar sida qamadiga, kaffayga, liinta, caanaha iyo burcadka?”. Haddaba Xanuunka astaamahan leh waxa loo yaqaanaa “mindhicirrada kacsan”, afka qalaadna lagu yeedhaa “Irritable bowel syndrome” afka carabigana waxaa lagu yidhaa “Qooloon Casabi” waa xanuun aad ugu badan dunida, wuxuuna ku dhacaa mindhicirrada waawayn “Large intestines”, kuwaasoo ka nugul mindhicirrada yaryar “Small intestines”. Xanuunkani wuxuu ka mid yahay cudurrada aan dhakhso loogu baraarugin, waxaana lagu gartaa kaliya in laga shaki baxo cudurrada kale ee aadka ugu eg sida gaaska boog calooleedka, caabuqa ameebaha, xiidmaha bararan, u dulqaadasho la’aanta lactose-ka, hoos ka akhriso xanuunadaas iyo astaamahooda si ay kuugu kala soocmaan.
Maxaa keena cudurkan?
Si xaqiiq ah looma oga waxa keena mindhicirrada kacsan, laakiin waxaa la ogyahay in dhowr shay ay ka qayb qaataan. Maadaama mindhicirradu ay leeyihiin murqo aad u yar yar oo howshoodu tahay in ay ku caawiyaan mindhicirrada in wixii ku jiro ay iska faaruqiyaan, muruqyadaas ayaa kacsan oo si aan caadi ahayn u shaqaynaya taasoo keenayso in calooshu aanay waxba ku hakanin mararka qaar, xilliyada qaarna ay shaqada joojiyaan oo ay calooshu fadhiisato. Waxyaabaha la arkay inay mindhicirrada kiciyaan waxaa ka mid ah sukulaatada, basbaaska, dufanka, khudaarta qaar, digirta, caanaha iyo waxii laga sameeyay, kaffeyga, daawooyinka qaar, cabitaanada qasacadaysan (warshadaysan) iyo khamriga. Arrinta kale ee lala xidhiidhinayo kacsanaanta mindhicirradu waa cillad neerfaha mindhicirrada oo aanan dhambaallada sidii la rabay u soo gaadhsiinayn, taasoo keenaysa in caloosha khalkhal galo.
Midda sadaxaad waxaa lala xidhiidhinayaa dhibaato ka dhalatay caabuq ama infekshan aad u daran oo mindhicirrada hadda ka hor ku dhacay, taasoo keentay in bakteeriyo badan ku dul tarantay ama dhacdo isu-dheelli tirnaan bakteeriyada caabuqa keento iyo midda faa’iidada u leh dheefshiidka.
Waxyaabaha Kiciya Mindhicirrada:
Maadaama cudurkani uu yahay mid raaga, qofkana hayn kara sanooyin badan, waxaa jira waxyaabo la isku waafaqsan yahay in xanuunka ay kiciyaan ama uga sii dara qofka qaba cudurkan, waxaana ka mid ah:
-Stress-ka: Dadka aad u welwela / diiqa ama qaba xanuunka niyadjabka “Depression” ayaa aad loogu arkaa xanuunkan.
– Cunnooyinka: waxaa ka mid ah sukulaatada, basbaaska, dufanka, qudaarta qaar, digirta, liinta, kaabajka, caanaha iyo waxii laga sameeyay, kaffeyga iyo cabitaananda soodhaha “Soda”.
– Hormoonada: isbadallada ku dhaca hormoonka khaasatan xilliga caadada waa waqtiga ugu badan ee xanuunkan ku kaco dumarka, sidaa darteed ayaana loola xidhiidhiyay.
Yuu ku badan yahay xanuunkani?
-Da’da ka yar 45 sano
-Haweenka
-Haddii uu jiro qof qoyska ah oo qaba cudurkan, adigune halis ayaa ugu jirtaa.
-Hadduu qofka qabo xanuun nafsi ah sida diiqadda, welwelka, haweenayda gurigeeda dhib ka haysto, caruur iyagoo yar la faraxumeeyay iyo wixii kaloo saamayn karo shakhsiyadda qofka waa lagu arkaa cudurkan.
Calaamadaha Mindhicirrada Kacsan:
-Xanuun casiraad leh
-Hawo caloosha dhex meeraysata
-Dibbiro
-Calool istaag
-Shuban
-Dareen in saxaro ku hayso adigoo musqusha ka soo baxay
-Casiraadda oo kaa joogsata markaad saxarooto (Waa astaanta kaliya oo la odhan karo xanuunkaan ayuu khaas u yahay)!
-Malax soo raacda saxarada ama axalo sidii candhuufta u eg.
-Dhiig-yari
-Kaadi badan khaasatan habeenkii la dareemo
-Muruqyo xanuun iyo daal aad u badan
Xanuunada Lagu Qaldo Cudurka Mindhicirrada Kacsan:
Maadaama cudurkani aanu lahayn baadhitaan u gooni ah oo lagu ogaan karo, astaamihiisuna ay aad u fara badan yihiin una ekaan karo xanuuno kale oo bulshada ku badan, waxaa muhiim ah in qofku aqoon u yeesho xanuunadaas kale iyo farqiga u dhaxeeya, waxaana ka mid ah cudurradan hoose:
1- Gaas calooleedka “Peptic Ulcer”
2- Caabuqa Ameebaha “Amoebiasis”
3- Cilladda Laaktoos-ta “Lactose intolerance”
4- Cilladda bararka xiidmaha “Crohn’s disease”
5- Boogoobidda maroorka “Ulcerative collitis”
6- Baabasiirka gudaha “Internal hemorrhoids”
7- Caabuqa xameetida “Cholecystitis”
Sidee Loo Baadhaa Xanuunkan?
Maadaama garashada xanuunkani ay dhib badan tahay waa in dhakhtarku kula yeeshaa waraysi aad u dheer iyadoo lagu waydiinayo astaamo badan oo u baahan in waraysiga lagu kala sooco kuwaasoo adiga ama qoyskaaga la xidhiidha, kadibna ku waydiiyo in lagaaga sameeyo caloosha baadhitaan kale si looga shakki baxo xanuunada qaar, kadib waraysigaas iyo baadhitaankaas ka dib waxaa laguu diri karaa baadhitaano kooban oo lagu xaqiijinayo ama lagu beeninayo xanuunada uu dhakhtarku kaaga shakkisan yahay, baadhitaanadaasi waxay isugu jiri karaan, dhiig, saxaro, kumbuyuutarro kala duwan. Ogow xanuunkani ma laha baadhitaan u gooni ah, waana sababta aan badanaa si dhakhso ah loo garan, looguna qaldo cudurro kale.
Sidee Loo Daaweeyaa Mindhicirrada Kacsan?
Waxaa laga yaabaa iney qaadato daaweyntu waqti dheer, laakiin waad ogaan doontaa siyaabaha ugu wanaagsan ee lagu xakameyn karo xanuunkaaga. Waxaa laga yaabaa:
-Inaad ka fogaatid daawooyinka aan laguu qorin, cuntooyinka qaar, iyo walwalka calaamadaha uga sii daraya.
-Inaad cuntid cunno faybarku (buushuhu) ku badan yahay. Cuntooyinkaasi waxaa ka mid ah qamadiga buushiga leh, rootiga miraha aan buushiga laga saarin ee laga sameeyey iyo siiriyaalka, digirta cagaaran, midhaha iyo khudradda fresh-ka ah. -Inaad qaadatid daawooyin hoos loogu dhigayo astaamaha cudurkan, kuwaasoo dhowr nooc ah waxayna ku xidhan tahay qaabka xanuunkani kuu hayo, waxaa laga yaabaa daawada adiga wax kuu tari wayday in qof kale wax u tarto, sidaa darteed baadhitaanka iyo daaweynta cudurkan waxa laguu salaynayaa qaabka laguu hayo iyo warbixinta lagaa qaaday “Tailoring”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *