Cismaan Hindi Oo Qaadacay Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga UDUB

Hargeysa(Foorenews)- Guddoomiyihii Ololaha Doorashada ee Xisbiga UDUB wakhtigii doorashadii Madaxtooyada Cismaan C/laahi Cigaal (Cismaan Hindi) ayaa Qaadacay Shirka golaha dhexe ee UDUB shalay uga furmay Hotel Ambassador ee Magaalada Hargeysa, kaas oo Musharaxa Madaxwaynaha loogu doortay Cali Maxamed Warancade, isla markaana sheegay in la Majaro Habaabiyey Ajandihii loogu talo galay Shirkaas in lagu hago.

Cismaan Hindi waxa uu sheegy in Shirka Golaha dhexe ee UDUB ee Shalay Ambassador lagu qabtay ujeedadiisu ay tahay sidii loo qadin lahaa Madaxda qaar ka mid ah ururadii hadhay oo uu sheegay in wada-hadal u socdo, kaas oo tibaaxay inaanay arintaas aqbali doonin oo ay qaadacayaan.

Waxaanu sidaas ku sheegay shirjaraa’id oo uu ku qabtay Hotel Crown ee Magaalada Hargeysa, kaas oo nuxurkiisu ahaa inuu deedefeeyo shirka Ambassador oo uu tilmaamay inuu UDUB laba garab oo kala fog u qaybin doono. Ugu horayna isaga oo ujeedada Shirkiisa Jaraa’id ka hadlaya, waxa uu hadalka ku bilaabay “Waxa aan idiinku yeedhay inaan wax ka idhaahdo shirka maanta ka socda Ambassador Hutel ee uu Madaxwaynihii hore Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Rayaale, Shirkaa waxa aanu leenahay Ajandihiisu wuu qarsoon yahay loomana dhama, meel wax lagu dooranayana maaha. Waxa jira oo aad wada ogtihiin in maalmahan danbe ay wada-hadalo noo socdeen Ururadii hadhay gaar ahaan ururka ugu way nee UDHIS ee ay hogaaminayeen Mujaahidiintii dalka u soo halgantay oo ay ka mid yihiin Mujaahid C/raxmaan Aw Cali Faarax, Mujaahid Ibraahim Dhago-wayne, Mujaahid Maxamed X. Maxamuud Cumar Xaashi iyo Mujaahidiin faro badan oo kale, waxa Masuuliyiintaas noo socday wada hadal oo waxaanu wada rabnay inaanu badbaadino Xisbiga UDUB ee ummadda Somaliland miisaanka wayn ku lahaa, isla markaana ahaa Aabihii Dumuqraadiyada maanta Somaliland ku faanto, Nidaamka Xisbiyada badan keenay oo Haykalka dawladeed ee dalkan Abuuray”.

Cismaan Hindi isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray “Xisbigan UDUB ee godka ku sii dhacayaa waa Xisbi dan u ah ummadda reer Somaliland Taariikhdeeda waana Xisbi Mucaarid iyo Muxaafidba waajib ku ah in la badbaadiyo, baryahan danbe waxaanu ku mashquulsanayn badbaadintiisa, isla markaana aanu u yeedhno walaaladdayada kale oo aanu ugu baaqno inay ka qaybqaataan badbaadadiisa, tusnana Walalahayo inaanaan waxba ka lahayn oo aanu Xisbiga u simanahay, wada-hadaladaasina meel fiican ayey noo marayeen oo waxaanu samaysanay Guddi farsamo oo shan qof ka kooban si arimahaas looga baaraan dago laakiin waxa nasiib daro ah oo aan maanta ka xumahay in dadaalkaa aanu soo galnay in maanta lagu ciyaaro, mida kale waxa jira oo aanu damacsanayn in la qabto shir golaha dhexe ee Xisbiga lagu balaadhiyo si aanu wax uga siino walaalahayaga nagu soo biiraya ayaad moodaa in waxaasba la laga saaray meesha oo shirkaas maanta Ambassador lagu qabanayo Ajandihiisu wuu qarsoon yahay oo Musharax ayaa la rabaa in meesha lagu doorto, in markaa Musharaxiin la doorta maanta hore ayaanu uga galnay shir isla markaana Xisbigu uu heshiis ka galay oo aanu nidhi Musharax Madxwayne iyo ku xigeen uu maanta dooranayaa Xisbiga UDUB ma jirto, waxaana la dooranayaa Xilalkaas Doorashada Golayaasha Deegaanka ka dib ninkii Mansabyadaas hunguri kaga jiroo Fadal Doorashada Deegaanka ka dib, waxa jira rag badan oo hunguri ku jiray oo aanu Saaxiib nahay oo arintaasi ka digo-rogtay aadna aan ugu mahad naqayaa ragaas maadaama markay Fikirkayaga nala qaadan waayeen ay naga digo-rogtaan. Laakiin arintaas aanu ka midaysnayn Xisbi ahaan ayaad moodaa in Ajandaheedii la qaloociyey oo rag aanu saaxiib nahay oo aan hore u sheegay ayaa sidaan hore u soo sheegay aanu arintaas ka diidnay, mida kale aniga laftaydu Musharax ayaan ahaa, Cali Warancade oo aanu saaxiib nahay Musharax ayuu ahaa oo waa nin aanu saaxiib ahayn soona wada shaqaynay xilal badan Somaliland ka soo qabtay una qalma inuu Musharax Madaxwayne ka noqdo Somaliland una qalma inuu Madaxwayne ka noqdo laakiin maaha maanta markeedii ayaan leeyahay oo Salaad walba wakhtigeeda ayaa la tukadaa maadaama oo Xisbigu ku heshiiyey in Musharixiinta Xisbiga Doorashada golayaasha deegaanka ka dib la doorto, waxaanan arkayaa in la afduubaya Ajandahaas, raalina kama nihin oo looma dhama. Waxaanan filayaa in raga maanta ku shiraya Ambassador ay isleeyihiin ka hor dhaca qolada idinku soo biiraysa oo waxba ha siinin arintaasna waanu ka soo horjeednaa oo raali kama nihin, hadii ragaas laga baqayo-na waxaan leeyahay waa Mujaahidiintii dalka u soo halgantay oo xaq ayey u leeyihiin inay Tartanka ka qaybgalaan oo ay Guddoomiye-yaal iyo Musharaxiinba ay Xisbiga ka noqdaan. Laakiin hadii la is leeyahay ka gaadhsiiyo oo Boobsiiya wax suurta galaysa maaha, waxaanan leeyahay Guddoomiyaha Xisbiga iyo intii la socota ee Shirkaas ku jirtaba Xisbiga Jar ha ka sii tuurina ee Xisbiga badbaadadiisa ka taliya, waxaanan leeyahay Ajandaha aynu isku ognahay ee Shirka wax ka badan ha soo saarina hadii aad soo saartaa Musharax Madaxwayne ama Madaxwayne ku xigeen waa Xaaraan waananu Qaadacaynaa. Xisbiga UDUB mar hore ayaa la odhan jiray waa Laba garab laakiin muu ahayn laba garab markii hore ee fikir ayaa la isku hayey laakiin hadii aad ku dhaqaaqdaan arintaas maanta ayuu laba garab noqonayaa”.

Cismaan Hindi mar uu ka hadlayey talaabada lagu badbaadin karo Xisbiga UDUB oo uu sheegay inuu burbur qarka u saaran yahay, waxa uu yidhi “Xisbiga UDUB Ilaahay ayuun baa badbaadin kara oo aanu ka rajaynaynaa inuu badbaadiyo, laakiin Binu-Aadam ayaanu nahay hadii aan inta yar ee Bina Aadam-nimo ka yidhaahdo waliba Aragtidayda ah, waxa uu Xisbiga UDUB ku badbaadayaa qofkasta oo caqli wanaagsan ku fikiraa wuu garan karaa, Soomaalida waad ogtihiin oo waxay tidhaahdaa Abas-guul Meelna ma wada dagto warna iskuma seegana, Madaxwayne ku xigeenkayagii ayaa shalay is casilay isaga oo leh Xisbiga ayaan badbaadinayaa khilaafkaa ku yimid darteed oo rag badan oo Xisbiga Miisaan ku lahaa ayaa naga digo-rogtay oo aanu aragtidayada Siyaasadeed ku kala leexanay oo aanu si u wada arki waynay oo xisbiyadii kale galay. Xaqiiqdii Xisbigani wuxuu ku badbaadayaa in rag culus oo cusub ay soo galaan oo la yaqaano isla markaana abaal ku leh Somaliland, waana in ay Xisbigan hogaamiyaan ragii dalkan u soo halgamay oo aanu Abaalmarin uga dhigno anagu, aniga iyo inta ila midka ahina ay dib u joogsadaan. Waxa kale oo uu ku badbaadayaa in Shirkaa Golaha dhexe ee Maanta ka socda Ambassador in wixii aanu ku heshiinay ee hore lagu dhaqmo oo Golaha dhexe la balaadhiyo laguna daro 60 ilaa 90 xubnood si walaaladayada imanaya aanu wax uga siino. Waana in Guddida fulinta oo 19 xubnood ahaa laga dhigo 33 ilaa 31 xubnood sidii aanu hore ugu heshiinay”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *