Search

Cilmi-Baadhis Lagu Ogaaday In Ragga Bidaarta Lihi Uga Halis Badan Yihiin Raga Kale Cudurada Wadnaha Haleela

London, December 3, 2017 (Foore)- Daraasad caafimaad oo wiiggan daboolka laga qaaday natiijadeeda ayaa lagu sheegay in ragga bidaarta leh ay halis ugu jiraan xanuunada wadnaha in ka badan ragga cayilan ee da’doodu ka hooseyso 40 jirka.
Sida ay baahisay Idaacadda BBC-da qaybteeda Luuqadda Ingiriisidu Daraasaddan oo lagu sameeyay illaa 2,000 oo rag dhalinyaro ah oo Hindiya ku nool in ay badankood qabaan xanuunada wadnaha, intooda badanna la sheegay in ay yihiin rag dhallinyaro ah oo bidaar lahaa.
Mac-hadka xanuunada wadnaha ee Yurub ayaa daraasaddan sameeyay, waxaana laga akhriyi doonaa oo lagu baahin doonaa natiijada daraasaddan shirweynaha ururka dhakhaatiirta wadnaha ee dalkaasi Hindiya.
Cilmi-baadhayaasha ayaa sheegay in 50% ragga qaba xanuunnada wadnaha ku dhacaa ay durba bidaari kasoo baxdo iyaga oo aan gaadhin xilligii timahoodu daadan lahaayeen ee Bidaari ku dhufan lahayd.
Boqolkiiba 49% ragga qaba xanuunada wadnaha waxa ay yeeshaan bidaar ka hor xilligii laga filan karayo in ay bidaar yeeshaan.
Daraasaddan wixii ka horeeyay waxaa kaliya loo maleynayay in buurnidu ama cayilnaantu ay tahay sababta ugu badan ee keenta wadne xanuunka balse waxa daraasaddani shaacinaysaa in ay astaan kale noqon karto bidaarta oo ah in ragga bidaarta lihi ay uga halis badan yihiin cudurrada wadnaha ragga kale ee aan bidaarta lahayn.
Cilmi baadhis kale oo la sameeyay sannadkii 2013, laguna sameeyay rag gaadhaya 37,000 qof ayaa waxaa lagu ogaaday in boqolkiiba 32% dadkaas ay qabaan xanuuno wadnaha la xidhiidha.
Sidoo kale daraasad sannadkii 2014-kii lagu sameeyay 10,885 oo rag ah kuwaas oo bidaari gashay ayaa lagu sheegay in ay u badantahay in ragaas uu mustaqbalka ku dhici karo xanuunka wadnuhu.
Sida Lagu Horumarin Karo Caafimaadka Wadnaha:
-Cun 5 nooc oo miro ah maalin kasta
-Jooji sigaarka iyo buuriga
-Samee jimicsi
-Dhin culayskaaga
-Cun cuntada xuubka leh
-Dhin cuntada dufanka leh
-Dhin cuntada cusbada badan leh
-Ha cabin Khamriga hana cunin qaadka
-Cun kalluunka
-Iska akhri waxyaabaha ay ka koobantahay cuntada qasacadaysan
Hormuudka cilmi baadhistan oo lagu magacaabo Dr Dhammdeep Humane ayaa sheegay in ragga leh bidaartu ay wax ka badalaan qaab nololeedkooda, islamarkaasna ay helaan la talin caafimaad oo wanaagsan sida nooca cuntada ay cunaan iyo sidii ay u maareyn lahaayeen tiiraanyada.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *