BREAKING NEWS
Search

Ciidanka Booliska oo ka hadlay Eedaysane Cawar Xareed oo ay gacanta ku dhigeen

Gabiley (Foore)- Ciidanka Booliska ee magaaladda Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley, ayaa galabta hawl-gal ay fuliyeen waxay gacanta ku soo dhigeen Maxamud Maxamed Cawaale (Cawar Xareed) oo ka mid ah sagaalkii eedaysane ee xukuumadda Somaliland ay shaacisay inay ka dambeeyeen dilkii foosha xumaa ee lagu dilay sadex nin oo laba ka mid ahi is dhaleen ee ka dhacay Tuuladda Seemaal ee u dhaxaysa Gabiley iyo Baki Bishii December ee kal-hore, sida uu shabakadda wararka ee Somaliland.Org u xaqiijiyay Taliyaha qeybta Booliska Gabiley Ismaaciil Rashiid Maxamuud oo hawl-galkaasi hoggaaminayay.

Taliyaha qeybta Booliska Gabiley Ismaaciil Rashiid Maxamuud oo ka hadlayay hawl-galkaasi wuxuu yidhi “Waxaanu galabta abaaro salaadii casar gacanta ku dhignay eedaysane Cawar Xareed oo ku jiray Guri laba makhsin ah oo qabyo ah oo magaaladda gudaheedda ah, waxaana ILAAHAY mahaddii ay ciidanka Boolisku ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhigaan iyadoo aanay wax khasaare ahi ka dhicin oo aanay qofna xabadi waxba yeelin.”

Taliyuhu wuxuu sheegay in markii hore uu ciidanka Booliska ku soo riday rasaas, hase yeeshee aanay waxba cidi ku noqon.

Taliyuhu wuxuu sheegay inaanay jirin cid kale oo la joogtay eedaysanahaasi gacanta lagu dhigay.

Ismaaciil Rashiid Maxamuud, waxa uu sheegay inay eedaysanahan isla galabta ku wareejiyeen Taliska guud ee Booliska oo lagu xidhay magaaladda Hargeysa, waxaanu ammaan u soo jeediyay ciidanka Booliska Gabiley ee hawl-galkaasi fuliyay. Eedaysanahan waxa lagu xidhay xarunta Ciidanka CID-da ee magaaladda Hargeysa.

Dhinaca kale, Taliye Ku xigeenka ciidanka Booliska C/Raxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) ayaa shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay xafiiska CID-da ee magaaladda Hargeysa ku sheegay inay galabta ciidanka booliska Gabilay ay ku guulaysteen hawl-gal ay ku soo qabteen eedaysane Cawar Xareed. waxaanu bogaadiyay oo uu ammaan balaadhan u soo jeediyay ciidankii fuliyay hawl-galkaasi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *